Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dishay 62 kamid ah dagaallyahanada Al Shabaab xilli diyaaradaha Mareykanka ay duqeeyeen deegaan ku yaalla Koonfurta Soomaaliya labadii maalmood ee lasoo dhaafay.
War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyntan laga fuliyay deeganka Gandrashe oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.
Warka ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) aya lagu xusay inay qiimeyn ay sameeyeen ay ku ogaadeen inaysan jirin dad rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarka balse ma jiro ilo madaxbannaan oo xaqiijin karo arrintani.
Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay weerar diyaarado loo adeegsaday ay ka fuliyeen deegaanka Gandrashe.
Waxayna sheegeen in ilaa lix duqeymo ay ka gaysteen halkaasi.
Mareykanka wuxuu sidoo kale sheegay inay ka go’antahay iyaga iyo saaxibada caalamiga ah inay ka hortaggi doonaan Al Shabaab si loo ilaaliyo ammaanka shacabka.