Mareykanka Oo Haweeney U Khafiifiyay Xayiraad Dal Dhan Saarneyd

0
15

BBC London- Hooyo u dhalatay dalka Yemen oo ilmo ay dhashay ku sakaraadayay dalka Mareykanka ayaa soo gaadhay gobolka Californinia, si ay u aragto canugeeda.

Inkastoo Yemen ay kamid tahay dalalka Mareykanka uu ku soo rogay xayiraad dhanka socdaalka ah, hadana dowladda Mareykanka waxaa ay dabcisay xayiraadaasi, si hooyadan loogu oggolaado inay tagto Mareykanka.

Shaima Swileh oo hadda dagganeyd dalka Masar ayaa markii hore loo diiday inay tagto Mareykanka.

Ilmaha yar ee ay dhashay hooyadan oo laba sano jir ah ayaa waxaa uu ku dhashay xanuun dhanka maskaxda ah oo dhaqaatiirtu ay shegeen inay adagtahay in uu ka bogsado. Aabaha dhalay wiilkan ayaa isna sheegay in booqashada hooyada ay ku timid Mareykanka ay u sahleyso inay ka qeyb galaan tacsida wiilkooda. Hooyo Swileh ayaa markii ay ka soo degtay garoonka San Francisco maalintii Arbacada waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay kumannaan samafaleyaal ah oo ka danqaday xaaladda qoyskeeda. Sida ay sheegtay hay’ad ka shaqeysa arrimaha Islaamka ee Mareykanka, wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Swileh u oggolaatay inay timaado Mareykanka.

Dad badan oo aad uga danqaday dhibaatada heysata qoyskan ayaa farriimo u diray dowladda, kuwaaasi oo dalbanayay in qoyskan loo oggolaado inay yimaadaan Mareykanka. “Aad ayaa ugu faraxsanahay in hooyadan ay markii ugu dambeesay xabadka geliso oo ay dhunkato wilkeeda”. Waxaa sidaasi warbaahinta u sheegay madaxa hay’addaasi.

Xaaladda qoyskan

Cabdullaahi oo ah wilka yar ee xanuunsan iyo aabihii ayaa ah muwaadiniin u dhashay Mareykanka, halka hooyada dhashay wiilka na ay tahay Yemeni. Qoyskan ayaa u guuray dalka Masar, kadib markii dalka Yemen ay ka bilowdeen dagaalada, waxaana xiligaasi Cabdullaahi ku dhacay xanuunka dhanka maskaxda, kaasi oo dhibaato weyn u geystay maksaxdiisa.

Saddex bilood kahor ayaa aabaha wilkan waxa uu go’aansaday in cunugiisa uu geeyo gobolka California, si halkaasi loogu daweeyo, hasa yeshee Swileh ayaa iyadoo joogta dalka Masar dalbatay Visa ama dal ku galka Mareykanka, si ay u soo ogaato xaaladda wilkeeda.

Hooyadan ayaa loo diiday dal ku galka, iyagoo na sheegay in marnaba muwaadin Yemen u dhashay aanan loo oggolaan karin in uu tago Mareykanka.

Xayiraada dhanka socdaalka

Markii madaxweyne Donald Trump uu la wareegay xafiiska, wuxuu xayiraad dhanka socdaalka ah ku soo rogay dalal u badan Islaam.

Dalalka xayiraadda lagu soo rogay ayaa kala ah Iran, Kuuriyada waqooyi, Venezuela, Libya, Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen.

Amarkan ka soo baxay xafiiska madaxweyne Trump oo dhowr heer soo maray ayaa ugu dambeyntii waxaa taageeray maxkamadda ugu sareysa Mareykanka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here