Mareykanka oo Markii U Horreysay Ka Hadlay Rabshadihii & Xasuuqii Ka Dhacay OROMIYA Oo Ka Fal-celintiisa Ay ku Xujaysay Dawladda Federaalka Ah

0
286

Raysal-wasaaraha Dalka Itoobiya oo Wadahadal u bilaabay Soomaalida iyo Oromada, Amarro-na Faray

Akhri: Dalabka Iyo Dareenka Uu Xambaarsanaa War-qoraal Ah oo Ka Soo Baxay Safaaradda Uu Maraykanku Ku Leeyahay Addis Ababa+Muhiimadda Tallaabo Uu Sheegay In Dawladda Itoobiya Ay Kaga Jawaabto Dagaal-ki U Dembeeyey Ee Dhex Maray Labada Qowmiyadood Ee Oromada Iyo Soomaalida

Washington (Hubaal)- Dawladda Mareykanka ayaa markii u horeysay ka hadashay rabshadihii dhawaan ka dhacay wadanka Itoobiya ee lagu xasuuqay Soomaalidii kaganacsanaysay jaadka ee ku sugnayd deegaanka Aawaday ee gobolka Oromada, waxaanay Xukuumadda washintong ka dalbatay dhigeeda Addis ababa inay si qoto leh u baadho dagaal-qoomiyadeedkiika dhacay bariga dalkaasi ee  la sheegay inay ku dhinteen 55-ka qof. Qoraal ka soo baxay safaaradda dawlada maraykanku ku leedahay magaalada adis ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo arrintan lagaga hadlay ayaa lagu dalbaday in ciddii masuulka ka ahayd rabshadihii dhacay lala xisaabtamo. Qoraalkaas safaaradda ayaa Maraykanku ku sheegay in ugu yaraan konton kun oo qof ay ku baro kaceen rabshadahaasi ka dhacay xuduudka u dhexeeya labada qoomiyadood ee Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, dagaalkaas oo ay safaaraddu ku sifaysay in uu ahaa mid aad u xumaa. Maamullada deegaanada Soomaaliya iyo Oromada ayaa isku eedeeyay in la adeegsaday maleeshiyaad iyo ciidamada maamullada si ay u qaadaan weeraro aargoosi ah. Xuduudda labada maamul ay wadaagaan ayaa aad u dheer. Afti la qaaday 2004-tii si xiisadda ka dhexeyso Oromada iyo Soomaalida loo dejiyo ayaa fashilantay. Itoobiya waxaa ka dhacayay dibad baxyo dowladda ka dhan ah tan iyo 2014, Mareykankana wuxuu sheegay in dagaalka ugu dambeeyay uu muujinayo in dowladda looga baahan yahay in ay tallaabo muhiim ah qaado si loo qaado dimuquraadiyad iyo dal loo siman yahay.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa dhawaan amray in booliska Federaalka uu kormeer ku sameeyo deegaanada lagu dagaallamay, militarigana uu hub ka dhigis sameeyo. Kulan nabadeed lagaga wadahadlay Colaadda Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee Itoobiya oo  ay ka qaybgaleen Madaxda labada Ismaamul iyo Odayaasha Dhaqanka labada dhinac, ayuu Raysal-wasaaraha Itoobiya ka sheegay inay dawladdu tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ka dambaysay dhibaatadaas.

Waxa uu sheegay Ra’iisal-wasaraaha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, kulankaas ka sheegay  oo uu amar ku bixiyey inay Warbaahinta labada Ismaamul ee Soomaalida iyo Ormadu faraha kala bixi waayaan buunbuuninta iyo qaadaa-dhigga dhacdooyinka labada dhinac, gaar ahaan Xasuuqii Oromadu Haawadaay ugu geysteen Dadka Soomaalida ah ay dawladdu Tallaabo adag oo Sharci ah ka qaadi doonto. Raysal-wasaaruhu waxa uu sheegay inuu ka xun yahay in Dad si axmaqnimo ah loo laayo, dhibaato amni-darro iyo dhaqaale burbur ahna la sameeyo, isla markaana ay dawladda Federaalku si qoto dheer u baadhi doonto xaqiiqooyinka dhibaatadaas, cid kasta oo masuuliyaddeeda yeelatana ciqaabta ay mutaysatay sharci ahaan la marin doono.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here