Buuq ayaa ka taagan dalka Ghana, kadib markii xidhibaanada barlamaanka ee dalkaasi ay saxeexeen heshiis dowladda Mareykanka u ogolaanaya in ciidammadeeda ay saldhig ka sameystaan gudaha Ghana.
Dowladda Ghana ayaa heshIiskaasi ku badelatay lacag gaadheyso labaatan milyan oo doolar iyo tababar la siinayo ciidammada Ghana. Siyaasiyiinta mucaaradka ee dalkaasi ayaa ku andacoonaya in heshiiskaasi uu yahay mid wax u dhimaya madaxbanaanida Ghana.
Mareykanka ayaa aad u daneynaya inuu ballaariyo joogitaanka ciidammadiisa ee galbeedka Africa, xili khatarta kooxaha islaamiyiinta ay sii kordheyso.
Ghana oo kamid ah dalalka adka u xasiloon ee galbeedka Afrika ayaa dadka ka faalooda arrimaha Afrika waxaa ay leeyihiin shaki kuma jira in Mareykanka uu doonayo inuu ballaariyo saameynta milateri ee uu ku leeayahay qaarada Afrika, waxaase qaar kamid ah dadka u dhashay dalkaasi ay rumeesanyihiin in saldhigan milateri uu Ghana u horseedi karo weeraro uga yimaada kooxaha jihaad doonka.
Xigasho: bbc-somali