“Marka Aan [Xilalka] U Badiyo Gobollada Bariga Ha Odhanin Ninku Reerkiisii Ayuu Kor U Qaaday Oo Uu Meeshii Keenay”

0
42

Wasiirka Cusub Ee Daakhiliga Yaasiin M.  Faratoon oo khudbad kaftan ku ladhnaa Xilka Kula Wareegay Shalay

faratoon

Hargeysa (Hubaal) –  Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo shalay  xilka kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaasi Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay inuu waxqabad wanaagsan ka haw gali doono gobolada Barriga Somaliland. Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay in Maayirada iyo badhasaabada gobolada Somaliland lagala xisaabtami doono sida ay shaqada u kala leeyihiin.  “Markaan gobollada Bariga u badiyo ha odhanin ninku reerkiisii ayuu kor u qaaday oo uu meeshii keenay”ayuu yidhi Wasiir Faratoon oo khudbad kaftan ku ladhnaaa ka jeediyey madasha xilka uu kula wareegay shalay, waxaanu intaasi ku ladhey “Badhasaabada iyo Maayirada Gobolladu Protocol ayay kala leeyihiin waana laba xubnood oo isku tiirsan waxaan filayaa inaanu wada shaqeyn doono.”  Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ayaa gabagabadii u mahadnaqay wasiirkii hore ee wasaaradaasi iyo dhamaan shaqaalaha arrimaha gudaha oo kusoo dhaweeyay xilka madaxwayne Siilaanyo usoo magacaabay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here