Hargaysa(Hubaal) -Boobe Yuusuf Ducaale Iyo Cabdiraxmaan Cabdi Qaadir Ayaa Si Iskumid Ah Ugu Hadlay Xaalada Somaliland Ay Wakhtigan Ku Sugan Tahay.
Siyaasiyiintan Oo Ka Hadlay Shir Jaraa’id Oo Ay Maanta Ku Qabteen Magaaladda Hargeysa Ayaa Wax Ay Ku Sheegeen In Xukuumadda Uu Gadh Wadeenka Ka Yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Ay Ka Leexatay Dhabadii Ay Raadinayeen Shacabka Reer Somaliland
Ugu Horeyn Boobe Yuusuf Ducaale Oo Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Waxa Uu Hadalkiisa Ku Bilaabay “
“Xaqu Dirir Madax Banaan Gudi Iman Doonta Una Taagnaan Doonta Difaac Guulihii SNM Oo Ilaalin Doono In Ay Sidaasa U Taag-Naato Oo Aanay Dadka Marlabaad Ka Lumin Oo Aanay Baadi Galin Mar Labaadna La Doon-Doonin Wixii Ay Dadku Qoriga Kusoo Dhacsadeen Maantana Waxaanu Taaganay Debno Ayaa Noo Gooyey,Ninbaa Waxa La Yidhi Laba Ayaan Isa Saaray Oo Laba Tagoogo Ismuu Saarin Lababaas Ismaan Saarinoo Axmed Siilaanyo Ayaa Halkan Madaxwayne Ka Noqon Iyo Saxaaafada Ayaa Afka Laga Toli Labadaas Is Maanaan Saarin.
Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxa Uu Intaasi Raaciyey”Halgan Dheer Ayey Dadku Usoo Galeen Maahana Waxa Shuruuc Ku Dheehan Maaha Waxa Dastuur Ku Qoran Waa Waxa Ay Dhiig Iyo Dheecan Ku Qoran, Dad Ayaa Xabaalo U Galay Dumar Ayaa Asay U Qaaday Ubada Ayaa Ku Aabo Waayey,Hantida Iyo Dadka La Og Yahay Ayaa Ku Burburay Si Ay Dadku U Helaan Waxa Ay Doonayaan Maansooyinkii Markaas La Tiriyey Waxa Ku Jira In La Diidi Karo Yeel Sidii Maalintaas Loo Diidayey Ayaa Maanta Loo Diidan Yahay Xukuumada Maanta Jirtay Iyada Oo Aan Qori Ku Qabsan Oo Ku Qabsatay Cod Ayey Doonaysaa In Ay Dadka Cago Juglayn Iyo Han-Jabaad Ku Xukunto Cid Markaas Han-Jabaad Iyo Cago Juglayn Lagu Xukumi Karaa Ma Jiraan Dadkuna Waa Kii Waxa Uu Sameeyey La Ogyahay Ee Khariirada Africa Badalay Waxaanu Leenahay Marka Ay Dhabi Dhabteeda Tahay Dhidar Waa Uu Iska Tagi Jiray Waa Loo Dagaalamayaa Shacabkuna Cidna Magan Ugama Ah Xoriyadooda Waxaanu Maanta Arkaynaa In Ay Haatuf Iyo Hubaal Xidhan Yihiin Macnaheedu Waxa Weeyaan Dhamaan Waynu Wada Xidhan Nahay Sidaas Ayaa U Qaadanaysaan Waan Waxa Idinku Soo Socda Waynu Ka Dhiidhiyaynaa Ee Ha U Dul-Qaadanin Markaas Waxaanu Leenahay Hadii Ay Xukuumadani Doonayso In Ay Nagu Xukunto Wixii Maskaxdooda Kusoo Dhaca Anaguna U Dul-Qaadan Mayno Ee Waanu Ka Dhiidhiyaynaan.
Dhinac Kale Waxa Isn Halkaasi Ka Hadlay Cabdiraxmaan Cabdi Qaadir Oo Ah Xubin Ka Mid Ah Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Somaliland Waxaana Uu Isna Hadalkiisa Ku Bilaabay.
“Markuu Uu Kulmiye Mucaaradka Ahaa Ee Uu Shacabka Reer Somaliland Ka Doonayey In Ay U Codeeyaan Waxa Uu Ku Beer Laxawsan Jiray Saxaafada Ayaa La Cabudhiyey Iyo Dastuur Ayaa La Buriyey Maanta Labadaasba Xukuumada Uu Hogaamiyo Madaxwaynaha Somaliland Wuu Burburiyey Cidkastana Isaga Ayaa Madaxwayne Siilaanyo Kaga Xun,Lakiin Anigu Waxaan Doonayaa Inaan Cadeeyo Culayskaas Maanta Lagu Hayo Saxaafada Somaliland Ee Madax Banaan Oo Kaliya Cabudhin Lagu Ma Hayo Shacabkii Culays Wayn Ayaa Lagu Hayaa Oo Xuquuqul Insaankoodii Meel Wayn Ayaa Lagag Dhacay Waxaana Jirtay Waxa Layidhaa Rru Meel Ay Sharciga Somaliland Kaga Jirta Garan Mayno Cid Soo Magacaabtay Garan Mayno Cid Ay Hoos Tagaan Garan Mayno Yaase Xukumo Waa Su’aal Is Waydiin Mudane Qofka Ay Doonaan Ayey Xidhaan Guriga Ay Doonaan Ay Galaan Dumarka Oo Iska Hurda Ayey Habeenkii Guryaha Ugu Daataan Caruurta Ayey Ka Sasiyaan Sharciga Dalka Somaliland Uu Leeyahay Waa Lagu Tuntay.
Waxa Uu Sidoo Kale Sheegay Xukuumada Oo Gadhwadeenka Ka Yahay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo In Ay Go’aankeedu Yahay Hantida Dadka In Ay Dhacaan Waxaana Uu Yidhi”
Xukuumada Maanta Dalka Ka Talisa Qasdigeeda Ugu Wayn Waxa Weeyaan In Ay Dadka Boobaan Dalka Boobaan Wixii Ay Arkaa Cagta Mariyaan Waana Dal Baabay Oo Kalaa Somaliland Maanta,Si Ay Taasi Ugu Suurto Gashay Cidii Tidhaa Waxaas Ka Daaya Am Ay Isleeyihiin Way Iftiiminayaan Am Cidii War Ka Qorta Culaysa Ayaa La Saarayaa Oo Albaabada Ayaa Loo Laabayaa.
Waxa Uu Xusay Cabdiraxmaan Cabdi Qaadir In Uu Maanta Dalka Somaliland Meel Adag Marayo Isla Markaas Waxa Uu Ugu Baaqay Shacabka Reer Somaliland In Go’aan Midaysan Ka Qaataan Xukuumada Maanta Talada Dalka Haysa Iyo Maamulka Haatan Ka Jira Somaliland Oo Ku Tilmaamay Mid Uruursanaya Hantidii Uu Umada Ugu Adeegi Lahaa.