“Waxaan Leeyahay Sheekhnimadiisu Ma aha Tii Seef-la-boodka ahayd Ee Waa Sheekh Nabadeed Muddo Badan Maslaxadda Kasoo Shaqaynayay”
Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guriyeynta Somaliland Oo Sheegay In Ay Xukuumaddu Soo Dhaweynayso Suldaanka Lagu Caleemo Saaray Deegaanka Beer Ee Ibraahin Sh. Isaxaaq
Hargeysa (Hubaal) – Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiika iyo Guriyeynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa khudbad hab dhaqan ah ka jeediyey munaasibad lagu caleemo saarayey suldaan cusub oo lagu qabtay deegaanka Beer ee degmada Burco. Wasiir Cali Mareexaan waxa uu sheegay in ay dawladdu soo dhaweynayso Caleemo saarka Suldaan Yuusuf Cabdi Cawad oo ay caleemo saareen beesha Ibraahin Sheekh Isaxaaq, waxaanuu ku tilmaamay suldaanka cusub mid ku haboon mansabkan ay beeshiisu u dooratay, isla markaana ah mid u qalma suldaanimada oo ay soo dhaweynayaan kuna hambalyeynayo. Cali Xasan Maxamed oo ay khudbaddisani ahayd mid salka ku haysa dhaqanka, ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxaynu isugu nimid caleemo saarka Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad, waanu u hambalyeynaynaa waanu u ducaynaynaa sheekha oo ku soo biiray madaxdhaqameedka, waxaanu iyagana u hambalyeynaynaa beesha Ibraahin Sheekh Isaxaaq oo aan leeyahay waxaad umadda u soo xusheen Suldaan u qalma oo la yaqaanno oo shiraban oo soo shaqeeyey oo shiraban oo waxa uu qabto iyo waxa uu gudo iyo waxa uu galaba la garanayo, umadda intaas lee gee Somaliland oo dhan isaga timid ee idinla qaatayna waanay soo dhaweeyeen sida aad u doorateen, waanu idinla qaadanay shacab iyo dawladba, marka suldaan la dooranayana waa in uu habaryoonis meel ka soo gala xagaasna wuu ka dhisan yahay, sheekh nimadiisuna ma aha tii seef la boodka ahayde waa sheekh nabadeed oo muddooyinkii u dambeeyey maslaxadda ka shaqaynayey umad badanna wax baray, waxaan leeyahay Ibraahin Sheekh Isaxaaq Calankoodu weligoodba wuu taagnaa” ayuu yidhi Wasiirka hawlaha Guud Cali Mareexaan.