“Madaxweynahaygaaba Sharraxane Maxaan Anigu Sharraxnaadaa”
Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, si adag uga jawaabay warar soo baxayey oo sheegayey inuu yahay hantiile Maalkiisu isgaadhay oo diyaar u ah inuu wajaho Halgan adag oo dhinaca siyaasadda ah. Wasiir Xirsi oo maalintii shalay saxaafaddu ku boobtay su’aalo xilli boobtay xilli uu ku sugnaa Hutel Guled ee Magaalada Hargeysa, ayaa wax aka gilgishay Wararkaas dhegaha shacabka soo gaadhayey, waxana uu ku dooday in maalka maanta jeebkiisa ku jiraa heerkuu doonaba ha gaadhsiisnaadee uu yahay mid uu shaqaystay,“markaan halkan imi waxan ahaa nin xoogsada oo shaqaysta, mana aan ahayn nin dawarsada, manaan ahayn nin baahan, Markaan halkan imina waan ladnaa imikana waan ladanahay.” Ayuu yidhi Wasiir Xirsi. Mudane Xirsi oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in lacagta uu haysto aanu cidna ugu faanayn, isla-markaana aanu ahayn dadka Hammuunta u qaba inay maal badan urursadaan,waxana uu wali kusii adkaysanayaa inaanu wali musharrax ahayn, waxana uu yidhi,“Ma jirto lacag aan haysto oo aan dadka ugu faanayaaye dawladdaan u shaqeeyaa oo waa la I yaqaanaa oo la iguma yaqaano dadka Hunguriga badan, kuwa beenaaleyaasha ah ee ururiya wararka aan jirin ayaa warkaas faafinaya. Madaxweynahaygaaba sharraxane maxaan anigu sharraxnaadaa.” Hadalkan kasoo yeedhay wasiir Xirsi, ayaa kusoo beegmayaa xilli ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo ku saabsan Hankiisa siyaasadeed, waxana wali Bulshada dhexdeeda ku jira warar is khilaafsan oo Qaabka uu wasiirku u sharraxayo Rabitaankiisa siyaasadeed ku saabsan.