Tirada Dad Xanuun ugu dhintay Gobolka Hawd & Wasiir la dul-geeyey Xubno Xiskooda ku waayey Xaaladda Abaarta
Balligubadle(Aftahannews):- Ugu yaraan Afar Carruur ah, ayaa la xaqiijiyey inay Xanuunka Shuban-biyoodka oo ka dillaacay gobolka Hawd ugu dhinteen deegaannada gobolkaas oo hadda ka mid ah deegaannada ay Abaartu sida ba’an u saamaysay, sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiinta Caafimaadka iyo Maamulka Hawd. Xubno ka tirsan Guddiga Abaaraha Heer Qaran ee Somaliland oo uu hoggaaminayay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa kormeer ku tegay qaar ka tirsan deegaannada Abaartu saamaysay, iyaga oo la kulmay Dadka deegaannada gobolka Hawd iyo weliba qaar ka tirsan Dadka dhawr bilood ka hor ka soo barakacay Abaarta gobollada Bariga oo ay halkanna Abaar kale ku haleeshay, kuwaasoo ay Warbixinno siiyeen Masuuliyiinta iyo weliba dadka deegaannada ay markeen kula kulmeen. Maamulaha Rugta Caafimaad ee magaalada Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd Xuseen Xasan Cali, ayaa ka warbixiyey Tirada Carruur uu sheegay inay Shuban-biyoodkaa ugu dhinteen deegaannada gobolka, iyaga oo markaa isaga iyo Hawl-wadeenno kale oo Caafimaad dul-taagnaa ilmo yar oo xarunta Caafimaadka ku siqiiray oo ay daawayn u wadeen ayuu Warbixin siiyey Wasiirka iyo Xubnaha la socday. “Ilmahan Shubanku laba habeen buu guriga ku hayey, halkanna laba habeen buu noo yaallay oo aannu dawada u wadnay, maantana (shalay) tiisii bay noqotay oo wuu dhintay. Markaa, Gumar, Kaabadda Bari, meesha la yidhaahdo Bidhiiqa iyo Gumburaha intaba xaaladda Shuban-biyoodku way ka jirtaa. Laakiin, illaa immika dhimashadu Afar Carruur ah ayey maraysaa, xaaladduna way ka sii daraysaa.” Sidaa ayuu yidhi Xuseen Xasan Cali. Cabdikariin Maxamed Xaaji Cali oo ka mid ah Masuuliyiinta gobolka Hawd, ayaa sheegay inay kormeer iyo tiro-koob ay ku soo mareen qaar ka tirsan Tuulooyinka hoos taga gobolka Hawd iyo sida ay u saamaysay Abaartu dadka deegaannada gobolkaas iyo Tirada Qoysaska ay saamaysay, waxaanu yidhi; “Markaannu Tuulo walba tagnay waxaannu tiradooda ku soo qiyaasnay markaannu soo tirokoobnay 14395 (Afar iyo Toban Kun Sagaashan iyo Shan Qoys), ay saamaysay Abaartu.” Badhasaabka gobolka Hawd Ibraahin Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inay dhibaato baaxad leh oo Abaareed ka taagan tahay gobolka. “Waxaan idiin sheegayaa in xaalad abaareed oo adag oo ta gobollada Bariga ka jirta ah oo kale gobolkan ka taagan tahay, una baahan gurmad iyo in loo gargaaro dadka Abaaruhu saameeyeen.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Hawd. Wasirka Diinta iyo Awqaafka Somaliland kana mid ah Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo markii ay Warbixinnada deegaannadaa laga siiyey dhegaystay ka dib, si kooban uga hadlay halkaas, waxa uu yidhi; “Dhibtaa idin haysa waa ka damqanaynaa, waxaannu u soconnaana waa damqashada iyo inaanu ogaanno xaaladda, isu soo ducayno, wixii la tari karo dadkana aannu soo tarno.”
Ka sokow Carruurta Shuban-biyoodka xaaladaha Abaarta ka dhashay u geeriyooday, waxay Weftigan Wasiirka dadka deegaannada uu maray qaarkood dul-geeyeen Dad xanuunsanaya oo Dhimirka wax ka qaba, kuwaas oo ay sheegeen inay u waasheen ama u xanuunsadeen saamaynta Xoolohooda kala duwan oo illaa Geelu fadhfadhiisanayo oo dhimanayaa ku yeelatay.