Hargeysa (Hubaal/W. Wararka) Markabkii dhawaan laga afduubay xeebaha degmada Caluula ee maamulka Puntalnd ayaa gebi ahaanba ay sii daayeen dableydii qafaalatay. Sida aanu kasoo xiganay degelka iddaacada afka Soomaaliga ee BBC oo ka heshay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in dableydii afduubka ugu haysatay markabka xamuulka xeebaha degmada Caluula ee Puntland ay siidaayeen markabkii iyo dhamaan shaqaalihii saarnaa. Markabka ayaa la siidaayey Xalay saacadu markay ahayd 10-kii fiidnimo, waxaana la sheegay in uu si nabad ah uga ambabaxay deegaankii lagu haystay.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Markabkii Lagu Haystay Xeebaha Caluula Ee Puntland Oo Xalay Fiidkii La Siidaayey...