Markale iyo Falanqaynta 26-ka Wasiir Ee Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo + Wasiirka Beeraha Somaliland Prof Faarax Cilmi

0
38

Waa qormo aad u xiiso badan oo si aan turxaan lahayn u soo bandhigaysa guulaha, guuldarrooyinka, dacaayadaha suuqayada ugu jira iyo xogaha qarsoon ee lagu tilmaansado xubnaha Golaha Wasiirrada haatan xilalka haya

Qaybta 27aad

Qormadan oo noqon doonta tii ugu dambaysay falanqayn dheer oo si taxane ah maalinba mid ugu soo qaatay xogaha qarsoon ee 26-ka wasiir ee xilalka ka haya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxa aynu ku soo afmeeri doonnaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha.

Wasiirka-Falanqaynta-ee-caawaaa

Prof. Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Wasaaradda Beeraha: Sannadkii 1956kii ayuu ku dhashay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, halkaas oo uu ka bilaabay waxbarashadiisii dugsiga hoose/dhexe iyo sare, kadibna waxa uu galay Jaamacaddii Lafoole ee Muqdisho oo uu ku qaatay culuunta beeraha iyo juquraafiga dhulka.

Waa aqoonyahan sare oo khabiir ku ah cilmiga beeraha iyo juquraafiga dhulka, waxana lagu sifeeyaa masuul loo igmaday hawl iyo shaqo uu aqoon durugsan u leeyahay, muddo dheerna ay kaalintiisa sugaysay Wasaaradda Beeraha ee madaxda looga dhigay afar sanno ka hor.

Waa qunyar-socod af-gaaban oo hawlihiisa siyaasaddu ku dhisan yihiin aamusnaan xeel-dheer oo ka madhan yooyootanka fagaaraha lagu loollamo, waxana loo aaneeyaa inuu yahay maskaxda hagta arrimaha siyaasadda oo ay awaamiirta ka qaataan inta badan siyaasiyiinta reer Awdal, gaar ahaan wasiirrada iyo xildhibaannada Baarlamanka, kuwaas oo si joogto ah loogu arko iyagoo xafiiskiisa ku booqanaya.

Waxa kaloo lagu tilmaamaa wasiirka ugu awoodda badan, taageerada ugu culusna ka haysta shacabka Gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo, sidaa daraadeedna saamayn ballaadhan oo siyaasadeed ku leeyahay degaannada gobolkiisa.

Inta badan waa xafiis-joog ka badbaaday ka dhex muuqata loollannada iyo murannada siyaasiga ah ee dalka gudihiisa, waxaannu sida la sheegay culays weyn saaraa horumarinta adeegyada beeraha ee wasaaraddiisu u xilsaaran tahay.

Wasiirnimada ka hor waxa uu noqday Guddoomiyihii Komishanka Doorashooyinka ee Gobolka Awdal iyo Isuduwaha Wasaaradda Beeraha uu hadda wasiirka ka yahay ee gobolkaas, sidoo kalena waxa uu ka mid yahay wasiirrada aan mar qudha xataa xafiisyada laga beddelin tan iyo markii uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo dhisay golihii ugu horreeyey xukuumaddiisa markii xilka hoggaaminta qaranka loo dhaariyey 27 July 2010.

Dad badan oo aad ula dhacsan xilka wasiirnimo ee uu hayo, ayaa u yaqaan nin si wanaagsan uga soo baxay masuuliyaddii qaranka ee loo igmaday, isla markaana muddada afarta sannadood ku dhow ee xafiiska fadhiyey waxyaabo waaweyn oo la dafiri karin ku soo kordhiyey horumarinta adeegyada beeraha, sidaa darteedna mudan lagu hambalyeeyo, laguna ammaano xil-gudashadiisa loo aayey.

Laakiin aragtiyaha saluugga ka bixiya, ayaa u arka nin lumiyey doorkii uu ku yeelan hawlaha siyaasiga ah ee dalka lagu hoggaamiyo, miisaankiisii mansabkiisa siyaasadeedna u rogay inuu noqdo xirfadle shaqaale-hoosaad ah oo dhaqdhaqaaqiisu ku kooban yahay dabbaqaadda cilmiga beeraha iyo juquraafiga ee uu bartay.

Geesta waxqabadka marka laga eego waxa uu noqday wasiirkii ugu horreeyey ee ku guulaysta inuu dalka ka beero bariis oo ah cuntada ugu badan ee bulshada Somaliland quutaan. Sidoo kale, waxa xilligan xarunta wasaaraddiisa diyaar ku ah 600 geed oo ah mango (cambe-laf), 1800 geed oo timir ah iyo ku dhowaad kun geed tufaax ah oo qorshuhu yahay in loo qaybiyo beeralayda mustaqbalka dhow, halka uu dhulka Mashruuca Wajaale ee Gobolka Gabiley ka bilaabay mashruuc ballaadhan oo lagaga beerayo dalagyo cusub oo u badan dhirta midhahooda la quuto. Waxa kaloo uu dalka ka hirgeliyey xarumo cilmi-baadhiseed casri ah oo laga sameeyey degaannada Aburiin (Hargeysa), Cammuud (Boorama) iyo Dayaxa (Ceerigaabo), kuwaas oo loogu talogalay inay cilmi-baadhisyo heer caalami ah ku sameeyaan noocyada midhaha iyo dallagyada ka bixi kara carrada waddanka.

Waxyaabaha kale ee lagu xasuusan doono muddadii uu xilka wasiirnimo hayey waxa ka mid ah mashruuc aan hortii la samayn oo uu cagafyo nooca qodaalka ah ugu qaybiyey degaannada hodanka ku ah beerashada dallagga.

Waxa lagu xantaa nin ay ka muuqato fulaynimo siyaasadeed oo ka gabbada fagaarayaasha hadalka ee siyaasiyiintu isku muujiyaan, saamayntiisa siyaasadeedna ku kooban tahay oo keliya faqa ee siyaasadaha gobolkiisa Awdal oo la sheegay inuu xariif ku yahay iyo weliba kala-furfurka aragtiyaha siyaasiga ah ee kaga soo horjeesta danaha siyaasadeed ee Madaxtooyadu u igmato. Dhammaad….

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here