“Dadkeenu Waxay Aaminsan Yihiin In Biyaha Badda Gelaya La Xidho Laakiin Laakiin Waxaa Is Weydiin Leh Xidhiidh Noocee Ah Ayaa Ka Dhexeeya Biyaha Iyo Noolaha Ku Nool Bada Hoosteed?”
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda KAlluumaysiga Oo Ka Hadlay Saamayn La Moog’yahay Oo Ay Abaartu Ku Yeellatay Noollaha Ku Uuman Badda Hoosteeda
Hargeysa (Hubaal) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay saamayn dhaqan-dhaqaalle oo ay abaaraha baahsani ku yeesheen Noolaha badda iyo culays mihnedlayaasha Kalluumaysiga kasoo waajahay xirfaddooda. Wasaarada Kalluumaysiga Somaliland ayaa ka hadashay saamaynta taban ee ay abaaraha dalka ka jiraa ku yeesheen kalluumaysigii dalka, taas oo sii fogaysay masaafaddii Kalluunku ku noollaa ee ay kallumasatadu kasoo jilaaban jireen. Agaasimaha guud ee wasaarada KAlluumaysiga iyo khayraadka badda Dr. Fuaad Cabdisalaan Xasan ayaa sharraxaad ka bixiyey xidhiidhka ka dhexeeya xilli roobaadyada uu dhulku helo biyaha roobka iyo noolaha badda guudkeda ku nool, kuwaas oo uu sheegay in markasta oo roobka berriga ka da’aa yaraado uu sii fogaado kalluunkii biyaha badda ku noolaa. Agaasimaha guud ayaa arrintan iyo natiijada safar shaqo oo ay ku tageen dalka dibadiisa kaga hadlay xog-waran uu Hargeysa ku bixiyey “Wefti uu wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo kheyraadka baddu hoggaaminayay oo aan aniguna Agaasime guud ahaan ku wehelinayay, isla markaana uu ka mid ahaa agaasimaha waaxda kalluumaysiga ee wasaaradda ayaanu 19-kii bishan Marchn safar ugu baxnay magaallada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya, halkaasna waxaanu kaga qayb galnay shir lixdii biloodba hal mar la qabto oo ay isugu yimaadaan madax ka socotay ururka midowga yurub ee EU-da oo iyagu maalgeliya mashaariic horumarinta kalluumaysiga ee Somaliland laga fuliyo, hay’adda Fair fishing oo iyadanu fulisa mashaariicdaas iyo dawladda Som kuwaas oo ay wasaaradda kalluumaysigu wakiil uga tahay”. Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaarada Kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda JSL Dr. Fu’aad Cabdisalaan Xasan oo markii ay isaga iyo weftigii uu kamid ahaa dalka dib ugu soo laabteen natiijadii safarkooda uga warramay degelka wararka ee Togaherer.com, isaga oo faahfaahin ka bixiyey midhaha kulankaas oo saddex geesood ahaa iyo waxyaabihii layskula meel dhigay. Dr. Fu’aad Cabdisalaan, Agaasimaha Kalluumaysigu waxaa kale oo uu ka hadlay saamayn taban oo uu sheegay in ay abaaraha baahsan ee dalka ka jiraa ku yeesheen khalqiga uu Alle SWT ku uumay badda kuwaas oo ay biyo yaraanta ay dareemayaan noollaha berrigu mid la mid ahi haysto dhigooda badda ku nool. Amuuraha kale ee waraysigan kooban uu agaasimuhu kaga hadlay waxa kamid ahaa farriin baaq ah oo uu u diray kalluumaysatada dalka oo uu tallooyin iyo dardaaran siiyey. Ugu horeyn’se waa kan Agaasime Fu’aad oo sharraxaya ajendihii kulanka lix biloodlaha ah ee ay Nairobi kula yeesheen Saraakiisha ururka EU-da iyo hay’adda Fair fishing, “shirkan oo Steering committee ahaa waxaa uu ku saabsanaa mashaariic horumarineed oo laga fulinayo xeebaha Somaliland, gaar ahaanna xeebta galbeedka, mashaariicdaasi waxaa ay isugu jirtaa qaboojiyeyaal iyo baraf dhaliyeyaal loogu talo galay in la dhigo goobo mucayin ah oo xeebteena kamid ah. Waxa kale oo mashaariicdaas kamid ahaa Sariibado-kalluun oo laga dhisayo magaallooyinka Hargeysa, Boorama iyo Burco kuwaas oo hirgelintoodu ay noo qorshaysan tahay, waxaana lacagta ku baxaysa mashaariicdaas bixinaya Midowga Yurub. Shirkani waxaa uu daba socday mid sanadkii hore ka dhacay magaallada HArgeysa, waxaa uu kani kaga duwanaa oo aanu dawlad ahaan kawada hadalnay sidii loo dedejin lahaa fulinta qorsheyaasha horumarineed ee mashruucaas”. Ayuu yidhi Agaasime Fu’aad, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in mashaariicdaas qaybo kamid ah la fuliyey oo ay socdaan, “hawshaas oo markii aanu bishii November ee sanadkii dhammaaday aanu saxeexnayba ay qaarkood hadda socdaan sida Hargeysa iyo Boorama oo aanu sariibaddo ka dhagax dhignay, halka Saylacna uu qorshaheedu noosocdo. Dhammaantoodna mashaariicdani waxaa ay daaran yihiin sidii loo horumarin lahaa loona kobcin lahaa kalluumaysatada Somaliland, run ahaanna guul baa ay noogu soo dhammaadeen”.
Geesta kale Agaasimaha guud ee wasaarada kalluumaysigu mar uu isbarbar dhig ku sameeyey noolaha badda iyo ka barriga iyo sida ay ugu kala nuglaadeen abaaruhu waxaa uu yidhi “Illaahay adduunka waxaa uu u kala qaybiyey bad iyo berry, labadaba noolaha ku nooli si isku mid ah ayay abaartu u saamaysay, hawaduna waa deegaan kale. Waxyaabaha intii aan hawlahan ku jiray waayo aragnimad aan ka helay ee ii kordhay waxaa kamid ah xidhidhka ka dhexeeya roobka iyo raxmadda uu illaahay dhulka ku shubo iyo nolosha badda ka jirta. In badan dadkeenu waxaa ay yidhaahdaan biyaha baddan ee dooxyadeenu ay badda ku shubaan aynu xidhno oo ka faaiidaysanno, dabcan waa arrin fiican kaasi laakiin waxaa is weydin leh boqolkiiba intee baa laga faaiidaysanayaa waayo biyahan badda galaya waxaa ay noloshoodu ku xidhan tahay noolaha badda ku nool, badda hoosteeda waxaa ka baxa dhir iyo geedo uu kalluunku quuto, dhirtaasi inta badan waxaa saamayn ku leh biyahan roobka ee badda gelaya. Markaa immika waxyaabaha ay kalluumaysatadu ka cabanayaan waxaa kamid ah in markii roobkii da’I waayay oo ay biyo macaani baddii geli waayeen isla markaana ay abaartii daba dheeraatay uu kalluunkii fogaaday oo ay meel fog ka soo jillaabtaan”. Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud, waxaanu gebogabadii uu farriin u diray kalluumaysatada, waxaanu yidhi “Kalluumaysatada reer Somaliland waqti adag bay runtii ku jiraan, runtii way dadaalayaan qaar badan oo kamid ahi waxaanay u baahan yihiin dhiirgelin, taageero iyo in la garab istaago wixii ay qalab u baaahan yihiin iyo wixii ay tabobar u baahan yihiinba. Insha allah waxaanu wasaarad ahaan ku talo jirnaa in sanadkan aanu kamidho dhalino waxyaabo badan oo waxqabad u ah, kalluumaysatadana waxaan leeeyahay u dhabar adayga culays kasta iyo caqabad kasta oo idinka soo wajahda kamidho dhalinta arrimahaas”. Ayuu waraysigiisa ku soo koobay agaasimaha guud ee wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Dr. Fuaad Cabdisalaan Xasan.