…Markii Hore Waxan Ahaa Sacad Muuse Ku-Xigeen, Balse Maanta Waxaan Ahay….”

0
53

Xil. Cabdiqaadir Indho-indho Oo Ka Hadlay Halka Uu Dejiyey Geeddigiisa Musharraxnimada Iyo Isbeddel Uu Ku Sameeyey Mawqifkiisii Siyaasadeed Ee Xisbiga Kulmiye

 

 

Hargaysa:(Hubaal)-Musharrax Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) ooh ore uu shaaciyey in Jagada Madaxweyne-ku-xigeen ee Xisbiga Kulmiye u sharraxan yahay,ayaa haatan caddeeyey inuu si gaar ugu sharraxan yahay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo isagu u taagan Madaxweynenimada Xisibigaas. Musharrax Indho-indho oo u warramay Shabakadda Hadhwanaagnew, ayaa sheegay inuu isbeddelay mawqif uu hore u shaaciyey oo sheegayey inuu musharrax u noqdo Saddexda Nin ee Madaxtinimada Xisbiga Kulmiye u taagan, kuwaas oo kala ah Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Biixi Yoonis iyo Waliba Cabdicasiis Maxamed Samaale, isla-markaana haatan uu si gaar ah musharrax ugu Yahay Guddoomiye Muuse Biixi. Waxa uu sheegay inay Beeshiisu si gaar ah talo ugu siisay inuu musharrax u noqdo Muuse Biixi Cabdi, maadaama uu fursado ka badan kuwa kale haysto, “Kulankaasi waxa uu daarnaa Nimankii WarSan Gali iyo Nimankiii Dhulbahante ee ku jira Xisbiga Kulmiye, Ayaa waxa ay go’aansadeen inaan Noqdo Muuse Ku xigeen una sharaxan Madaxwayne ku xigeenka,isla markaasna go’aan waxaanu ku gaadhnay in ay Foodka Siiyaan Si uu u soo Baxno ana isaga ayaan ku xigaa oon u ahay Musharax ku xigeen.” Ayuu yidhi Cabdiqaadir Indho Indho. Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata. indho indho“Markii hore waxaan ahaa Sacad Muuse ku xigeen Balse maanta waxaan ahay Muuse biixi ku- xigeen,Dhulbahante iyo Warsan Galina way igu raacsan yihiin cod iyo Tirana waan ku soo kordhin Doonaa oo Cod Muuse Kama War Wari Doono,iyaguna Sidaas ayay igula Socdaan ana waan ka Aqbalay Dhamaantood.” Cabdqaadir Maxamed Xasan Indho-indho ayaa tilmaamay inaanu ku xigi doonin Samaale iyo Maxamed Biixi isla markaasna Beeshoodu kula Taliyeen inuu Muuse Biixi Garab Siiyo Lana Garab istaago Hiil iyo Cudud waxaana uu yidhi. “Labadii Hore ee aan lahaa waan ku xigaa reerkayagii ayaa diiday oo kulankii aanu shalay(dorraad) yeelanay igula taliyay inaan ku xigo muuse biixi,waxaana kulankaasi ka Soo baxday in Naf iyo maalba aan la Garab istaagno muuse biixi ana aan ku xigo.” Dhawaaqa ka Soo yeedhay Cabdiqaadir Maxamed Xasan indho-indho ayaa ku soo beegmay xili ay kulan qado ah yesheen muuse biixi iyo Masuuliyiinta Harti ee Hogaanka u ah kuwaas oo Muuse u sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin. Geesta kale waxa uu soo jeediyay in Afar iyo Tobanka Gobo lee ku dhex tartamaya Koobka Gobolada somaliland waxaana uu soo jeediyay in dhamaan lawada tageero wixii lagu tari karana Madal lagu wada Gudoon Siiyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here