Xaaska Madaxweynaha Dalka Nigeria Caasha Buhari ayaa sheegtay in aanay taageeraynin saygeeda haddii uu is sharraxo doorashada dambe ee dalkaasi. Marwo Caasha ayaa intaasi raacisay kaliya inay taageeri doonto madaxweyne Buhari haddii uu isbadal muuqda ka sameeyo dalka Nigeria. Caasha Buhari oo waraysi siisay BBC-da ayaa sheegtay in madaxweynaha uu xilal u magacaabay shakhsiyaad aan aaminsanayn afkaarta xisbiga talada haya ee APC. Waxay sheegtay in madaxweyne Buhari looga baahan yahay inuu dhageysto taageerayaashiisii ka caawiyay inuu ku guulaysto madaxtinnimada dalka laba sano ka hor. Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Abuja ayaa sheegaya in xaaska Madaxweynaha Nigeria ay u muuqato inay u hadleysay dad taageersan madaxweyne Muxamadu Buhari oo filayay in xilal loo magacaabi doono ka dib markii la doortay madaxweynaha balse aan xilalkaasi helin. Dhinaca kalena madaxweynaha dalka Nigeria oo wax laga waydiiyay sida uu u arko hadalka xaaskiisa ayaa sheegay in aanu garaynayn xilka ay xaaskiisu ka hayso xukuumaddiisa iyo sidoo kale xisbiga ay ku jirto ee ay ka tirsan tahay, waxaanu sheegay in xaaskiisu keliya uu ku og yahay Madbakha, qolka cuntada iyo qolkooda jiifka oo uu sheegay inay ka shaqeyso.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Marwada 1aad Ee Nigeria Oo Sheegtay In Odaygeedu Cidla Kaga Dhaqaaqay Taageerayaashii...