Marwada koowaad ee qaranku amaan ayay naga mudantahay-Qalinkii: Hoodo Ayaan

0
28

Marwada kood ee qaranka Somaliland waa hooyada iyo hoyga bulshada ee ay ka helaan dareen kalgacal, feejignaan, naxariis, dulqaad, ka warhayn joogto ah waana ataamahii hooyo lagu yiqiin, isla markaasna waa qof u qalma qadarin, ixtiraam, adeecis, iyo waliba garab taagaanan joogto ah.

Aaamina-warisHadaba marwo Aamina Maxamuud Jirdeh –Aamina Waris-  ayaa ah qof aqoon ahaan dhisan lehna cilmi ku filan bulshona wax loogu qaban karo iyadoon ah qof si weyn ugu dhex jirtay bulshada kana qayb qaadan jirtay barnaamijyada horumarineed iyo kuwo kor loogu qaadaayo heerka bulshadu ay ku sugan tahay, waxay marar badan kazoo shaqaysay waaxaha kala duwan ee dawlada iyo hay’adaha madaxa banana ee dalka gudahiisa ka hawl gala.

Dumarka guud ahaan dhaqan soomaaliyeed ee soo jireenka ah waxay inoogu jiraan meel aanay jirin cid buuxin kartaa iyaga kaligood mooyaane, guri ma dhismo ma dhowrsanaado dhidibadiisu ma adkaadaan hadaanay hooyadu ahayn mid hanan karta oo haysan karta reerkeeda, gurigu waa meesha ay dhaqan ahaan carabtu ka dab qaadan jireen ee laga fiirin jiray ruuxa ay xilka u magacaabayaan sideebuu gurigiisa ku yahay, sideebuu ula dhaqmaa reer kiisa, ma ruux qalqalafsanbaa mise waa mid naxariis badan, goaan qaadasho ma leeyahay mise arinkiisu waa jaantaa rogan, hadaba sidaynu wada ogsoonahay guusha uu gaadho nin rag ahi waxa garabka ugu weyn ku leh waa gabadha, ama si kale hadii aan u dhigu guusha raga waxa sabab u ah dumarka hadba ay nasiibka u helaan inay noloshooda ka mid ahaadaan.

Mucaaridka Somaliland ayaa ah mid aan ka xishoon bir ma gaydada iyo maxasta oo aan waxba laga sheegin jirin, iyadoo sidaa ah ayaa waxa baryahan danbe si badheedh ah uga soo baxa aflagaado iyo dhaleecayn aan haboonayn in lagu tiraabo oo u baahan in la kala garto wixii ku haboon afka iyo waxaan ku haboonayn in laga hadlo.

Bir-magaydadu barigii hore soomaalida waxay ugu jirtay heerka ay xaaraantu ugu jirto diinta islaamka iyadoo diiniyan aanay is diidayn in laga xarimo afka iyo adinkaba wixii aan haboonayn in lagu dhaqaaqo, dhaqankii wanaagsanaa ee bulshadu lahayd meesha ka bax lagana talaabsay.

Waxaan halkan ku amaanayaa marwo xilkas ah, garaad wacan, gudanaysa waajibaadkeeda shaqo ee qaran ay u hayso ee dastuuriga ah, kana aragti dheer haween waynaha Somaliland, kuna fadhida magaca iyo milgaha ay haweenku ku leeyihiin bulshadan Somaliland, taasoo ah mid u baahan in xaq iyo xuquuqba wixii ay qarankan u qabatay la xuso lana baahiyo kor iyo hoosna loogu sheego bulshada inta kadib bulshadu iyadaa u garaabi, iyadaa garwaaqsan, iyadaa bulshadu garan qiimaha ay leedahay.

Dedaalka iyo astaanta aad u tahay haween weynaha Somaliland waa mid ay taariikhdu xusi doonto, wakhtigaana qori doona, ha niyad jabin hana joojin dhiiri galinta iyo wax la qaybsiga aad had iyo goor ku garab taagan tahay bulshadaada.

Qalinkii: Hoodo Ayaan
hoodo.ayaan90@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here