Waxaa Ay Agabyo Kala Duwan Gaadhsiisay Goobo Caafimaad
Hargeysa:(Hubaal)-Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md Aamina Sheekh Maxamed Jirde(Aamina-weris), ayaa maalintii shalay agab kala duwan u qaybisay Xarumaha Caafimaadka ee Sheekh Cumar, iyo Dhakhtarka weyn gaar ahaan qaybta caruurta aan gaadhin wakhtigii ay ku dhalan lahaayeen balse ka soo hormaray 9-bilood ee calool-sidkoodu ahaa.
Agabka Marwada qaranku gaadhsiisay Xarumahaas, ayaa isugu jiray mid casriya oo lagu korin doono caruurtaasi, dawooyin iyo Sariiro Casriya,waxana Gudbintiisu ka dambaysay Codsiyo Maamulka Xarumahaas gacanta ku hayaa u gudbiyeen Marwada oo la xidhiidhay Baahida ay u qabaan.
Marwada Qaranka oo ka jawaabaysa Baahiyahaasi loosoo gudbiyey, isla-markaana kaashanaysana Hay’adda UNFPA, oo marwada u dooratay inay Wakiil buuxa uga noqoto Ololaha yaraynta ama dabargoynta Ummul raaca Afrila oo loo soo gaabiyo CARMMA, ayaa ugu dambayn Goobahaas gaadhsiiyey Agab baahi weyn loo qabay oo wax katari doono Dhibta haysata Hooyooyinka iyo Ubadka ku dhasha muddada ka yar 9-ka Bilood.
Sidoo kale Marwada Madaxweynaha Qaranku waxay kormeer ku soo martay cusbitaalka guud ee hargeysa, gaar ahaan qaybta Gargaarka degdega ah(Emergency) ee hada loogu shaqeeyo dhakhtarka weyn, balse la damacsan yahay in loo dhiso qayb weyn oo ay dhagax dhigeen wasiirka caafimaadka Dr Xaglo-toosiye iyo Marwada koowaad ee qaranku.
Marwada iyo masuuliyiin kale oo uu wasiirka caafimaadku ka mid yahay oo halkaasi hadallo ka jeediyey, ayaa dadka ganacsatada ah ku dhiirrigeliyey inay qayb libaax ka qaataan dhismaha iyo horumarinta Goobaha Nolosha dadka muhiimka u ah, waxana ay si gaar ah farriin ugu direen Ganacsatada Maalka Badan jeebadaha ku guranaysa ee Danta Guud indhaha ka laabanaysa.