Hargeysa:(Hubaal)-Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde, ayaa deeq dharka ciidda iyo waxyaabo kale oo kala duwan ka kooban gaadhsiisay Carruur Agoon ah oo xaraysan xarunta Agoomaha ee Magaalada Gabiley.
Marwo Aamina sheikh Maxamed Jirde iyo waftigeeda oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo xubno kale oo culuculusi, ayaa waxa Gobolka Gabiley kusoo dhaweeyey maamulka, Madaxda, Salaadiinta iyo waxgaradaka reer Gabiley, waxana halkaas laga jeediyey hadallo qiimo leh oo ku taxaluga muhiimadda xukuumaddu u muujinayso Carruurta jilicsan ee Agoomaha ah.
Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde oo Halkaas ka Hadashay, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay inay carruurtaas booqata,“Waxan ku faraxsanahay sida la iigu soo dhaweeyey gobolka Gabiley iyo wasiirka maaliyadda oo la’aanteed aanay hawlahani noo suurto gasheen, waxana aan ku farax sanahay carruurta agoomaha iyo edaabta iyo quruxda ka muuqata.” Ayey tidhi Marwo Aamina Sheekh Maxamuud.
Marwada oo Hadalkeeda sii wadata, ayaa sheegtay inuu Gobolka Gabiley yahay mid xukuumaddu abaal badan u hayso, iyadoo warbaahintana kula dardaarantay inay qaran-nimada dhawraan, waxana ay tidhi,
“saxaafadda waxan idin leeyahaya inaga ilaaliya waxa qaran-nimada inaga waxyeellaynaya, Gobolka Gabiley waa Gobol dawladdu si khaas ah u ixtiraamto oo abaal weyn aanu u hayno.”
Waxa marwo Safiya oo xarunta Agoomaha Gacanta ku haysa lagu wareejiyey Agabkii ay marwadu sidday oo Dharka ciidda iyo Raashin ka koobnaa, waxana waxgaradka Reer Gabiley uga Mahadceliyeen deeqdaas ay Marwadu gaadhsiisay Ubadka Gabiley ku dhaqan.
Ma aha markii koowaad ee Marwada qaranku deeq kala duwan gaadhsiiso Ubadka agoomaha ah ee Gobolka Gabiley, waxana tani kusoo beegmaysaa xilli ay foodda inagu soo hayso Ciiddii bisha barayksan ee Ramadaan oo ubadku baahi weyn u qabaan inay Shacabkooda kala qayb qaataan Farxadda Ciidda.