Marwada madaxweyne Siiraanyo oo u maad-maatiyaysa sidii ay u xidh-xidhi lahayd Dhallinyarada Subeer Awal ee Ururka Jiiddali iyo warar ka soo baxay Xarunta Sirdoonka oo arrimahaa la xidhiidha
“Ma ogin wax xadhig ah, oo weli cid xagga xukuumadda ka socotaa nalamay soo xidhiidhin, mana oggin wax dembi ah oo aau galnay ama aanu ognahay, laakiin waxaa naga goán in mar kasta aanu sharciga ixtiraamno, haddiiba naloo soo maro.” Af-hayeenka ururka Jiiddali, Faysal Qumuj
Hargeysa(Hubaal)- Marwada Madaxwenaha Somaliland, Marwo Aamina Maxamed Jirde (Aamina Weris) ayaa la sheegay in sadexdii maalmood ee la soo dhaafay ay ku hawlanayd sidii ay Xabsiga ugu taxaabi lahayd Dhallinyarada Subeer Awal ee ku bahoobay uruka Jiiddali, oo baryahan dambe ay u maad-maatiyaysay sidii ay uga hor tagi lahayd dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan dhallinyaradaasi.
Dhaq-dhaqaaqyada iyo da’daalada ay kaga shaqaynayo Xukuumadda Siiraanyo oo la sheegay in ay hormood ka tahay Marwo Aamina Weris, oo la xaqiijiyay in lagu maleegayay shirqoolo ku wajahan sidii xabsiga loogu taxaabi lahaa dhallinyarada Jiidali, ayaa sadexdii maalmood ee ugu dambeeyay laga darreemayay xarumaha Arrimaha Gudaha Somaliland, Sirdoonka Guud ee Qaranka iyo Qasriga Madaxtooyada, kuwaas oo la sheegay inay dhammaantood ku hawlan yihiin sidii eedo dambi loogu samayn lahaa dhallinyarada Jiiddali.
Soo shaac baxa xoggahan, oo tibaaxaya maleegida xadhiga Jiiddali, ayaa laga helay Saraakiil ka shaqaysa Wasaaraddda Arrimaha Gudaha iyo xubno kale oo ka tirsan Hawl-wadeenada Sirdoonka Qaranka, oo ka cudur daartay in magacooda la shaaciyo, kuwaas oo sheegay in xadhiga Jiidali daba socdo safaro kala duwan oo ay dhawaan ku gaalaa bixiyeen gobolada dalka ee Somaliland, safaradaas oo ay ku abaabulayeen sidii loo aasaasi lahaa Dallad Siyaasadeed ay ku bahoobayaan dhammaan dhallinyarada Somaliland oo dhawaan shirkeeda la qaban doono, iyo sidoo kale, Mudaharaad lagaga soo hor jeedo sida ay wax u wado xukuumadda Madaxweyne Siiraanyo, mudaharaadkaas oo lagu dhawaaqay wiigii hore, kaas oo abaabulkiisa laga dareemayo Magaalo Madaxda Somaliland ee Hargeysa, lana filayo inuu qabsoomo maalmaha soo socda, arrimahaas dartoodna cida ka talisa Qasriga Madaxtooyadu ay goáansadeen, in sida keliya ee lagu joojin karaa ay tahay in xabsiga loo taxaabo dhallinyarada Jiidali, oo Marwo Aamina Weriw, aanin satahay in ay hormuud ka yihiin dhaqdhaqaaqyada socda.
Af-hayeenka ururka Jiiddali, Md. Faysal Cumar Madar (Faysal Qumuj), oo aanu wax ka weydiinay waxa ay ka ogyihiin ama ay kala socdaan urur ahaan (Jiiddali) qorshaha la sheegay in Madaxtooyadu xadhig u maleegayso Xubnaha ururkooda ayaa sheegay inaanay ilaa hadda ciddi la soo xidhiidhin, isla markaana aanay ogayn wax dembi ah oo ay galeen, balse ay maalmahan u dambeeyay ay maqlayeen xantaa la leeyahay guddida Jiiddali ayaa la xidhayaa.
Af-hateeb Faysal Qumuj, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Ma ogin wax xadhig ah, oo weli cid xagga xukuumadda ka socotaa nalamay soo xidhiidhin, mana oggin wax dembi ah oo aau galnay ama aanu ognahay, laakiin waxaa naga goán in mar kasta aanu sharciga ixtiraamno, haddiiba naloo soo maro.” Ayuu yidhi.