Marwada Naarta Ha Ku Galina?!-W/Q: Axmed Haybe

0
54

Qarnigani waa mid yaab iyo amankaaga ku ridaya inta kala saaraysa wanaagga, xumaanta, waxtarka iyo waxyeelada. Waajibaadka qofka saaran ayaa ah inuu isku hawlo Cabsida Allah(SW), bulshadiisana wax taro, maamulkiisan adeeco.. Haddii uu arko khalad waa inuu si miyir iyo maan ku jiro u saxo. Dhawaaqa hadalkiisa ama qoraalkiisa ayaa soo shaac saara akhlaaqda, dabeecadda iyo heerka uu ka taagan yahay ka faa’iidaysiga caqliga Allah (SW) ku manaystay. Waa seben qofka wanaagga samaynaya laga hor imanayo, ceeb iyo aflagaado aan joogsi lahayna lagu hayo… Caalim islaamiya nin ku yidhi “ Goormaan hadlaa”…. Wuxu ugu jawaabay Xadiiska Rasuulka (SCW)… “ Ama wanaag ku hadal ama iska aamus”. Mar hadii khayr iyo shar laga qorayo hubi hadalku inuu yahay kan khayrka leh ama kan dhibta soo jiidaya.. Baahi uma qabto bulshadu odhaah belo abuuraysa oo meel ka dhac ku ah sharafta qofka muslinka ah.

“Aamusnaantu Waa Dahab”

Kooxaha iyo warbaahinta caqliga fadhiidka ka ah ayaa marwada ku tilmaamaya inay siyaasadda Somaliland ka taliso… Kooxhaasi waxa iskaga khaldan waxtarkii samafalka ahaa ee Marawada iyo Ururka Now bulshada u hayaan iyo siyaasaddii dalka. Mararka ay hawlo samafal fuliso oo weliba bulshadu baahi weyn u qabtay oo ay warbaahinta ku arkaan qoraal ama muuqaal ayaa ah tan ka cadhaysiisa sida ay dadaalka bulsho u wado… Halkaasi ayay ka bilabaan been abuurka ku dhisan xasadka iyo xinka ay kaga soo horjeedaan dadaalka ay marwadu ugu jirto xaqiijinta hawsha samafalka ee bulshadu baahida u qabto. Akhlaaq bur-burka iyo dabar la’aanta hadalku waxay hoos u dhigaan maqaamka qofku ku leeyahay bulshada, iyada oo la raac-raaco dhaqanka iyo qiyamka xuna waxba kama bedelayso dadaalka hawsha ay horseedka ka tahay. Hawsha ugu wanagaasanina waa in qiyaamka iyo dhaqanka islaamka ee ku dhisan is xaqdhawrka, is tixgelinta iyo wax is tarka la ilaaliyo. Qof walba xaq ayuu u leeyahay inuu dhiibto fikradiisa iyo sida wax ula muuqdaan, inuu naqdiyo ama khilaafo fikrad uu qabo qof kale, ama urur kale haday tahay madaxada dalka u sareeyaba, laakiin Marwada oo aan siyaasadda ku jirin oo aan ahayn wasiir, W.kuxgeen, Agaasime iwm, in maalin kasta warbaahinta laga dhaleeceeyo ma noqonayso wax suurtagal ah, oo laga aamusi karo. Marwadu hawsha ay wadaa waa samafal … Iyadoo dadaalays oo maalinkasta waxtar bulshada inta u baahan ayaa warbaahinta laga dhaleecaynaya haddii aanay waxba qaban maxaa la samayn lahaa?

True members possess the horizon perspective and a frontier spirit”

Xorriyadda hadalka ee aynu rabnaa waa mid ku fadhida islaamka oo aan ku dhisnayn been abuur iyo ceeb muwaadinka ama madaxda dalka sharaftooda lagu dilo. Waa isa sixid iyo xaqa oo la isu sheego xumaanta la iskaga digo. Marawaduna waa inay way inay ku sabirto qoraalada aan xqiiqda ku fadhiyin ee la baahinayo, maxaa yeelay gabadhii Rasuulkeena (scw) Caa’ish Binu Abuubakar (rc) ayaa Nebigeenii oo nool oo waxyigii socdo been abuur kii ugu xumaa uguna weynaa laga baahiyay. Kuwa maanta joogana waaba kuwa iyagu sameeya beenta.

Waxa inagu filan Xikmaddan Khaliifkii 1aad Abuubarka Asidiiq [RC]

“Kheyr ma laha hadal aan ilaahay dartii loo odhani, kheyr ma laha xoolo aan lagu bixin jidka ilaahay, kheyr ma laha ka ay aqoon yaraantiisu ka xoog badato dulqaadkiisa, kheyr ma laha ka canaanta dadka uga baqa ku dhawaaqidda xaqa”. Sidaasi ayay kuwo badani oo danaystayaal ahi marwada Naar ugu gelayaan iyagoon u fiirsanayna hadalkooda beenta. Eray kula fudud ayaa keena inaad naarta ku gasho.

Wa-billaahi Tawfiiq

Axmed Haybe

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here