Mudadii gaabnayd ee Madaxweyne Siilaanyo iyo wafdigii uu hogaaminayey joogeen London UK ayaa waxaa dhacay in Wasiiradii Siilaanyo la socdey uu mid waliba beeshiisii kula dexdhacay tolaay iyagoo raadinayey sidii ay taageero ugu heli lahaayeen mudo kordhinta Siilaanyo u tafaxaydan yahay.
Balse wasiiradii mudo kordhita la ordayey ayaa ku fashilmay in la taageero,beelaha reer somaliland ee degan UK ayaa si isku mida uga soo horjeestey in mudo kordhin loo sameeyo Madaxweyne siilaayo taasi bedelkeedana waxay beeluhu yidhaahdeen waa in doorashadu xiligeedii la qabtaa Siilaanyona nasiibkiisa ka qaadaa.
Waxaase layaab noqotay markii Amina Weris iyo Wasiir xirsi Beesha madaxweynaha ula tageen taageero mudo kordhineed,erayadii ay Amina iyo Xirsi ku yidaadeen beesha waxaa ka mid ahaa:-
1-Mudo kordin khasaba oo laba(2)sano ah ayaanu odeyga u kordhinaynaa Saleebaan Gaalna waa la diyaar,hadiise mudo kordhintaasi dagaal keento waa inaad nagu taageertaan.
2. Amina Weris erayadeedii waxaa ka mid ahaa Isaaqu waa sida soodhaha COCA-COLAHA laba maalmood ayey meelahaasi ka qaylinayaan kadibna saaxiga ayey keenayaan ,hadiise dagaal yimaado xoog baanu leenahay na difaca cid wal oo mudo kordhinta ka hor timaadana xoog baanu ku muquunineynaa ee idinku na taageera uun.
Jawaabtii Beesha Madaxweynaha:-
Amina iyo Xirsiyow ma kursi dhiig ku daatay ayaad rabtaan in odeygu ku negaado,marna yeeli meyno dagaalo sokeeye oo dalka ka dhaca cidina cid kama xoogweyna ee hadii dagaal dhaco yaad xukumeysaan,waxaanu leenahay ama doorasho xor iyo xalaal ihi 2015 ha ka dacdo dalka ama xilka umadii idiin dhiibatey u soo celiya.
Amina Weris iyo Xirsi oo aan marna beesha madaxweynaha ka filanayn jawaabtan cad ee ay ka yidhaahdeen mudo kordhin sharci daro ah ma taageereyno ayaa weji gabax iyo yaab kala tegey goobtii.
Yusuf Janaale.
Qarannews.com