Marxab Marxab Yaa Ramadaan: Wax Ka Baro Sida Loo Ictikaafo- Sheikh Guleed M. Yaasiin Dalxa

0
118

Axkaanta Soonka:

QAYBTA  17AAD

GUULEED MAXAMED YAASIIN (DALXA)

ICTIKAAFKA

guuleed dalxaQEEXID: Ictikaafku luuqadda Carabigu waxay u taqaannaa shay lagu kaco samayntiisa, kadibna la joogteeyo. Diinta Islaamku waxay u taqaannaa ku sugnaanshaha masaajidka oo wata niyad gaar ah.

SHARCI DEJINTIISA

Sharci dejinta diinta Islaamku waxay hoos tagtaa laba ilood oo ay ka soo burqataa; kitaabka Quraanka ah iyo Sunnada Nebiga SCW. Haddaba labadaas oo isku shaqlan aan dul dhigno.

Alle wuxuu Quraanka ku yidhi, “ Ha la baashirina dumarka idinkoo masaajiddada ku ictikaafsan.” Al Baqra aayadda 187

Xagga sunnada Caaisha waxay leedahay, “ Nebigu SCW wuu ictikaafi jiray tobanka danbe ee Ramadaan, ka dibna dumarkiisii ayaa ictikaafi jiray.” Tix-raac: Bukhari; 1922 Muslim; 1172 Ummadda Muslimiintu way isku raacday(IJMAAC) in ictikaafku sunne yahay. Ragga soo raray is-raaca ummadda Muslimiinta waxa ka mid ah: Imaam Nawawi, Sheekhul Islaam Ibnu Taymiyah, Ibu Qudaamah. Tix-raaca oo aan laga maarmayn haddii aan raacinno: al-Majmuuc; 6/404, al-Muqnii; 4/456, Sharxul Cumda; 2/711. Sh Ibnu Baas isagu waxa laga helayaa Majmuucu Fataawihiisa 15/437. Mar walba waa inaan maanka ku haynaa ninkiii Ijmaaca Muslimiinta ugu yiqiinnay ee al Xaafid ibnul Mundir isna sidaas ayuu sheegayaa dhigganihiisa la yidhaahdo al-Ijmaac bogga 53 aad.

Aqoonyahannada ku xeel dheer Fiqiga Islaamiga ah waxay isku khilaafeen goobaha uu ku ansaxayo ictikaafku.

MASAAJIDADEE AYAA LAGU ICTIKAAFAYAA?

Waa tan halka khilaafka ugu ba’ani ka taagan yahay. Aqoonyahannada qaar waxay leeyihiin Masaajiddada Jimcaha lagu tukado, halka qaar kalena leeyihiin mid kasta oo Jamac leh, laguna tukado. Saxaabadii Nebiga ee waaweynaa sida Cali, Caaisha, Ibnu Cabbaas waxay dhammaan wada fadwoodeen in lagu ictikaafi karo masaajid kasta oo jamac leh. Dadka rayigaa xoojiyaa waxay ku doodaan in cid saxaabo ah oo khilaaftay aanay jirin – waxay sarbeebayaan inuu Ijmaac yahay – hagaag.

KA WARRAN DOODDA SAXAABADA

Aqoonyahanno kale oo diinta ku fogaaday barashadeeda iyo baadhideeda waxay gebi ahaanba sheegeen in ictikaafku aanu ku sugmayn wixii aan saddex masaajid ahayn. Aqoonyahannadaas waxa ugu horreeya Saxaabigii Weynaa ee Xudayfa binu Yamaan, oo isagu dabcan xadiis weriyay uu Nebigu SCW yidhi, “ Laguma ictikaafi karo wixii aan ahayn saddex masaajid.”Sugnaanshaha xadiiskaa xadiis-yaqaanno badan ayaa dura, laakiin Sh Albani oo looga hadhay xagga xadiiska wuxuu ku sheegay dhigganihiisa la yidhaahdo ‘Qiyaamu Ramadaan’ in xadiisku sugan yahay. Wuxuuna sheegay in xadiiskan ay weriyeen: Daxaawi, Beyhaqii, iyo Ismaaciilii oo dhammaan ka werinaya Abii Xudayfa. Sidan ayaa saxda u dhaw oo Saddex  Masaajid ayaa uu ku sugmayaa: Masjidka Xaramka, Masjidka Nebiga SCW iyo Masjid al Quddus. Waxa kaba sii daran xadiis Nebigu SCW ku yidhi, “ Waxaan saddex masjid ahayn looma rixlaysan karo” Rixaalku waa in gogosha loo xidh-xidho, sida aan ku naqaanno ictikaafkaba.” Midda kale waxa ay culimada oggol aad u daliishadaan aayadda uu Alle leeyahay وَلاَ تُبَاشِرُوهُنَّ وَأَنتُمْ عَاكِفُونَ فِي الْمَسَاجِدِ   waxay kolkaa leeyihiin waxa la yidhi al masaajidi. Al oo ku jirta waa ISTIQRAAQIYA oo waxay faaideynaysaa CUMUUM ama in dhammaan masaajiddada lagu ictikaafi karo. Waa hannaan habaysan oo xeel dheer sida ay uga jawaabeen runtii, waxaanada mooddaa in sidii Imaam Qaraafigii usuul ruugga ahaa ay u jawaabayaan. Haseyeeshee, waxaan leennahay:

  1. Waxay daliishadeen aayad ay ka faaideysteen cumuumka ay faaidaynayso. Haddaba, meeshii waxa la helay daliil khaas ah ee maxaa la yeelayaa. Waxa caan ka dhex ah culimada diinta wax uun ka yaqaanna ama xataa ardayda uu kutubta hoose ee usuulku u bislaaday in haddii daliil caam ah oo lagu dhegan yahay uu imaaddo mid khaas ahi, in kan gaar ka ah la hor marinayo. Weligayna ma arag qof yidhi, maaha sidaas ee caamka ha la hor mariyo. Qaacidooyin tix iyo tiraab ba leh ayay ka sameeyeen sidoo kale.
  2. Haddii uu xadiiska Xudeyfa ansaxo, doodi meesha ma iman karto, xataa ta saxaabada ayaa la tuurayaa, waa haddii loo raaco Sh Albani inuu sugan yahay, maadaama uu ahaa xadiis-yaqaankii Muslimiinta ee casrigan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here