Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Somaliland U Soo Martay 24-Guurada U Buuxsantay Maanta Iyo Fariinta Ismuujinta Taariikhiga Ah Ee Ummadda Somaliland U Gudbinayso Beesha Caalamka

0
47

Hargeysa (Hubaal)-Dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si qiiro wadaniyeed ka muuqato ugu dareeray xusksa munaasibadda 24-guuradda dib-ula soo noqoshada madaxbannaanidooda oo ku beegan Isniinta maanta ee 18 May 2015, kadib markii halgan hubaysan oo naf iyo maalba loo huray ay Somaliland kaga xoreeyeen ciiddamadii dhiigyacabka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre.

18 mayWaxa xuska 18 May si weyn maanta looga dabaaldegi doonaa dhammaanba gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, dalal badan oo ku yaal qaaradda Yurub, Waqooyiga Ameerika iyo Afrika, iyada oo dadweynuhu samayn doonaan bannaanbaxyo ballaadhan oo lagu muujinayo horumarka Somaliland gaadhay, isla markaana beesha caalamka lagaga codsanayo sidii aqoonsi buuxa loo siin lahaa, maadaama oo ay buuxiyeen shuruudaha dawladnimo oo dhan, hadday tahay dhinaca ammaanka, dhismaha ciidammada kala duwan, xuduudaha sugan, xasiloonida, hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka hanno-qaaday iyo astaamaha Somaliland gaarka u leedahay sida calanka tawxiidku ku xardhan yahay, lacagta shillinka Somaliland iyo baasaaboorka (e-passport) gaarka ah u ah ee loogu safri karo wadamo badan oo xidhiidh saaxiibtinimo la leh Somaliland.

Xaflada loogu dabaal-degayo sannad-guuradda 24aad ee madaxbannaanida Somaliland, waxa caasimadda Hargeysa maanta looga xusayaa si ka duwan qaabkii ay xafladihii hore ee 18 May dalka uga dhici jireen, iyada oo ciidamada kala duwan ee Somaliland socod dhoolatus ah ku mari doonaan waddooyinka caasimadda, isla markaana madaxweyne Siilaanyo sallaan-sharaf kaga qaadan doono wajahada hore ee xarunta madaxtooyada.

Haddaba, qaabka xafladaha 18-ka May u dhacayso iyo marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay waxa warbixin ka diyaariyey weriyeyaasha Jamhuuriya si ay akhristayaasha iyo bulshadda ugu soo bandhigaan qiimaha maalintan u leedahay qarannimada Somaliland, warbixintaas oo faahfaahsana waxay u qornayd sidan:

Marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland u soo martay 24-guurada maanta u buuxsantay

18may-6

Jamhuuriyadda Somaliland oo 26 June 1960 xornimadeeda ka qaatay Boqortooyada Ingiriiska oo ay u ahayd maxmiyad (Protectorate), ayaa markii ay muddo afar maalmood ah ahayd qaran madaxbannaan oo ay aqoonsan yihiin 32 waddan oo caalamka ah, waxay si mutadawacnimo ah ula midawday Soomaaliya 1 July 1960, xilligaas oo xornimadda ka qaadatay guumaystihii Talyaaniga, iyada oo xilligaas ay maskaxda dadka ku weynayd figradii Soomaaliweyn ee la doonayey in la isugu keeno shantii Soomaaliyeed oo kala ahaa Somaliland oo Ingiriisku haystay, Soomaaliya oo Talyaanigu guumaysan jiray, Jabuuti oo Faransiisku xukumayey, Soomaalida Itoobiya iyo Soomaalida ku dhaqan gobolada Koonfur bari ee Kenya.

Nasiib-darrada dhacday waxay ahayd in Somaliland kala kulantay midawgii Soomaaliya dhibaatooyin iyo caddaadis badan, arrintaasi oo sababtay in Jabuuti markii ay xornimada qaadatay ay diiday inay la midawdo Soomaaliya, iyada oo halkaasi ay ku dhimatay figradii Soomaaliweyn. Dhibaatooyinkaasi ayaa sababay in 10 December 1961saraakiil milatari oo reer Somaliland ahi isku dayeen afgambi ay ku doonayeen inay dib ugu soo celiyaan madaxbannaanidii Somaliland, inqilaabkaas oo noqday mid dhicisooba, balse waxa uu huriyey shucuurta dad badan oo reer Somaliland oo u arkayey inay ku hungoobeen midawgii ay la galeen Soomaaliya.

Muddo dheer oo uu si hoose iyo si sareba u socday halgan la doonayey in dib loo soo celiyo xornimadii Somaliland ee luntay, isla markaana bulshadu dhibaatooyin iyo tacadiyo kala duwan oo fool xun kala kulantay kelidii taliyihii Maxamed Siyaad Bare ee 29 October 1969, arrintaasina waxay sababtay in ururka SNM lagaga dhawaaqo magaaada London ee dalka Ingiriiska sannadkii 1981. Halgan hubasan oo dheer, isla markaana socday muddo 10 sanno ah ka dib waxay dagaalyannadii SNM ku guulaysteen inay ciidammadii Siyaad Bari ka xoreeyaan ciidda Somaliland.

Mujaahidiintii SNM, waxay ku guulaysteen inay beelaha Somaliland wada dega shir ugu qabtaan magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, shirkaas oo ay ka qaybgaleen madax-dhaqameedyada, aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Somaliland iyo saraakiishii hoggaaminayey halgankii hubaysnaa ee Siyaad Bare iyo quwadiisii lagala hortagay. Waxaana aakhirkii 18 May 1991 lagu dhawaaqay in Somaliland dib-ula soo noqotay madaxbannaanideedii ka luntay 1960kii. Waxaana shirkaasi lagu go’aansaday in SMN muddo laba sanno ah xilka hayso, iyada oo madaxweyne loo doortay marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), halka madaxweyne-ku-xigeena laga dhigay Muj. Xasan Ciise Jaamac. Hoggaankii SNM ee dalka hoggaankiisa la wareegay waxa ka horyimi dhibaatooyin iyo kala qaybsanaan. Muddadii ay xilka hayeena waxay kaga dhammaatay xallinta dhibaatooyinkaas iyo sidii nabad buuxda loo dhalin lahaa.

Mar kale ayey beelihii reer Somaliland sannadkii 1993 shir isugu yimaadeen magaalada Boorama, kaasi oo madaxweyne loogu doortay marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, halka ku-xigeena loo doortay Md. Daahir Rayaale Kaahin, kadibna dagaalo sokeeye ayaa dalka ka bilaabmay, markii ay in muddo ah socdeen ayaa dagaaladaasna laga heshiiyey, waxaana mar kale shirweyne lagu qabtay magaalada Hargeysa lagu doortay marxuum Cigaal iyo Md. Rayaale, iyada oo muddadaasina seeska loo dhigay hannaanka dawladnimo ee Somaliland, isla markaana la hirgeliyey siyaasadda ku salaysan asxaabta badan. 3 May 2001 ayuu madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ku geeriyooday cusbitaal ku yaal magaalada Pretoria ee waddanka Koonfurta Afrika, waxaana isla markiiba xilka madaxweynimo loo dhaariyey ku-xigeenkiisii Daahir Rayaale Kaahin oo Somaliland ka talinayey ilaa 27 July 2010 oo uu xilka si geenimo leh ugu wareejiyey madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo noqday madaxweynihii afraad ee Somaliland soo mara, kadib markii uu ku guulaystay doorashadii waddanka ka dhacday 26 June 2010.

Ismuujinta shacabka ee dabbaaldegga 18 May iyo farriinta ku lammaan

Xuska munaasibada 18 May ee maanta looga dabbaaldegayo dalka gudihiisa iyo daafaha adduunka oo loogu diyaargaroobay si qiimo leh, laguna muujinayo qiimaha maalinta qarannimada Somaliland oo 24 jirsatay, waxa ku lammaan oo sannadkan xuddun looga dhigay farriin culus oo shacabka Somaliland beesha caalamka kaga dalbanayaan xaqa aayo-ka-tashiga madaxbannaanidooda dalnimo ee dunidu dhegaha ka furayteen muddada 24-ka sanno ah ee aqoonsi la’aanta ku gaadheen horumarka lagu majeerto.

Dabbaaldegyada xuska maalinta 18 May oo sannadkan loogu diyaargaroobay ka qaybgalkeeda si aan hore loo arag, waxa si aan kala hadh lahayn isugu habar-wacday oo aan u kala hadhin qof kastoo ku abtirsada magaca Jamhuuriyadda Somaliland ee aqoonsiga u harraadan meel kasta oo uu adduunka ka joogo, waxaana xusas aad u ballaadhan laga samayn doonaa magaalo walba oo dalka gudihiisa ah iyo dalal shisheeye oo aan weligeed dariiqyadooda lala dhexmarin calanka Somaliland ee saddexda midab ka kooban iyo hal-ku-dhegyada farriinta ah ee ku lammaan oo ummadda Somaliland kaga codsanayaan beesha caalamka aqoonsi diblomaasiyadeed sal u noqda horumarka iyo dedaalka ay soo wadeen 24kii sannadood ee qarankankoodu dhisnaa.

Xusaska iyo xafladaha kala duwan ee muwaaddiniinta Somaliland ugu dabaaldegayaan sannadguurada 24aad ee ka soo wareegtay dib-ula soo noqoshada madaxbannaanida, ayaa sababay in ammaanka dalka aad loo adkeeyo, iyada oo ciiddamada kala duwan heegan ugu jiraan adkaynta ammaanka iyo xasiloonida dalka, isla markaana la xidhay xuduudaha dhinaca dhulka ee Somaliland la leedahay dalalka dariska ah.

source:Jamhuuriya

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here