“Marxuum Cawke Wuxuu Carruurnimadayadii Ii Bixiyey Naanaysta Ay Dadka Badankiisu Ii Yaqaannaan Ee JIDHIF”

0
37

Muj. Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) oo Ka Hadlay Shakhsiyaddii Marxuum Cawke iyo Xusuusta Munaasibaddii Uu Marxuumku Ugu Bixiyey Naanaystiisa Caan Baxday

A JIDHIF ONLY

Hargeysa (Hubaal)-Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi (jidhif),ayaa si qoto dheer uga warramey waayo xusuus leh oo ay caruurnimadoodii soo wada qaateen Marxuum Axmed Xasan Cowke oo ay kuwada noolaayeen Magaalada Tog-Wajaale ee kutaala xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya halkaas oo aheyd halkii ay ku barbaareen ee ay bilowgii sanadkii 1961kii ku dhameysteen Waxbarashadii Quraanka oo ay kawada bilaabeen Malcaamadii Aw Aadan oo aheyd Sanadihii lixdanaadkii Dugsiyada ugu waaweyn ee lagu barto Quraanka Kariimka Tog-Wajaale. Mujaahid Jidhif Waxaa uu Sheegay In Bud-dhiga Magaalada Tog-wajaale oo lixdamaadkii camirnaan jirtay uu iska lahaa alla ha u naxariistee Marxuum Cawke Aabihii  Xasan Suufi Cilmi [Xasan-cawke] oo caan ku ahaa in socotada deegaannada fog ka timaadaa ay marti jireen dukaan uu ku lahaa Wajaale,  kuwaas oo safarka ay  sidaan sida caanaha, xaabada, subaga iyo hadhuudka haddii laga iibsan waayo  uu  dadkaasi ka siisan jirey oo lagu rogi jirey Tukaankiisa. “waxaa mar lana wada qoray malcaamad ku taalay magaalada Togwajaale oo uu lahaan jiray sheekh aw Aaden la,odhan jiray sidoo kalana waxaa mar lana wada qoray iskuulkii Tog-wajaale  iyada oo mar lana wada qoray (Class one) Fasalka Koowaad ama Ulo ilaa Dugisigii hoose ayaanu kuwada dhamaysanay iskuulkaas taas oo lanoo wada badalay iskuulkii camuud ee Magaalada Boorama halkaasna aanu ku wada dhamaysanay ilaa intermediatekii,Dugsigii Dhexe waxaanu  uga sii gudubnay Dugsigii Cadaadley oo uu mar soo galey, laakiin Dugsigii Sare uu ku qaatey Sheekh Sheekh oo xiligaa lagu soo qaadan jiray Dugsiga sare taas oo markii aanu dhamaysanay aanu ku kala weecanay dhinaca takhakhuska oo isagu u baydhay dhinaca saxaafada halka ana cilmiga militariga” ayuu yidhi Mujaahid Jidhif Mar uu ka hadlayay shaqsiyadiisa waxa uu yidhi “Ala ha u naxariistee Marxuum Axmed Xasan Cowe Wuxu ahaa ilaa caruurnimadiisii ilaa iyo maanta xiligaa uu soo gaadhay  nin dabeecad wanaagsan,dulqaad badan,deeqsiya,oo aanay farxadi ka dhamaan ayuu ahaa oo aanan xasuusan karin maalina isaga oo cadhoonaya, runtiina ma aheyn shakhsiyad leh wax cadaawad ah  ma ahayn oo waxad ka garataa jacaylka ay u qabeen dadka afka soomaaliga ku hadlaa guud ahaan” Ayuu yidhi oo u warramay HWN. Waxaanu intaa ku daray  Mar uu ka hadlayay waxyaabaha uu ku xasuusto ayaa wuxu yidhi “waxan ku xasuustaa in uu ahaa ninkii ii bixiyay magaca dadka badidiisu ii yaqaanaan ee Jidhif waxana ay ahayd habeen cado ah oo aanu kubad wada ciyaaranay magaalada Togwajaale ilaahaybaan uga baryayaa in naxariistii jano ka waraabiyo” ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday jananku. isaga oo ku hadlaya magaciisa kan xaaskiisa,kan warbaahinta iyo shacabwaynaha Somaliland waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Ehelkii,Qaraabadii,Asxaabtii iyo guud ahaan Shacabweynaha Somaliland geeridii ku timid alla ha u naxariistee marxuum Axmed Xasan Cawke oo saaka ku geeriyooday magaala Jigjiga ee xarunta ismaamulka deegaanka somlida Ethiopia, waxaanu taliyuhu tacsi gaara u dirayaa Canab Xasan Cawke iyo Xaaskii iyo caruurtii uu ka tagay marxuumku waxaanu ilaahay uga baryayaa in Rabi janatul fardawsa ka waraabiyo samir iyo iimaana inaga siiyo.  Mujaahid Jidhif  oo Dareenkiisa ay ka muuqatay  murugo badani ayaa intaa sii raaciyay in ay marxuumka meel kusoo wada koreen isku Fasalna ahaayeeen, malcaamad ilaa iskuul. “Rabi iilka ha unuuro oo neecaw qaboq iyo naruuro haku siiyo qabriga Marxuum Axmed Xasan Suufi Cilmi (Axmed Xasan-Cowke)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here