Alla Ha U Naxariistee Suldaanku Waxa Uu Doorkii Shariif Leh Ku Lahaa Qaramayntii Ciidan Beelleedyadii Dalka Iyo Demintii Dagaalladii Sogeeye Ee Sagaashamaadkii.
Hargeysa (Hubaal) – Alla ha u naxariistee waxaa magaalada barakaysan ee Maka-al-mukarrama ee wadanka Sucuudiga ku geeriyooday alla ha u naxariistee Suldaan Maxamed Cabdillaahi Xuseen oo Suldaan Galaal ku magac dheeraa, kaasi oo ka mid ahaa madax dhaqameedka waaweyn ee reer Somaliland gaar ahaanna Hargeysa.
Alle Ha u Naxariistee Suldaan Maxamed ayaa u tagay Maka Gudashada Xajka Waxanu subaxii hore ee shalay ku Geeriyooday Maka Abaaro Salaadii Subax isaga oo markaasi u diyaar garoobayay in isaga iyo xujaaj kale a y u kcitimaan dhinaca Mina. Waxaana isla shalayba lagu aasay xabaalaha Magaalada Maka Al Mukarrama.
Alla ha u naxariistee Suldaan Galaal ayaa ka mid ahaa madax dhaqameedkii doorka shariifka leh ka soo qaatay nabadayntii beelaha Somaliland xilliyadii sagaashamaadkii isaga oo lagu xasuusto kaalintii uu demintii Dagaaladii Sokeeye ee Dalka ka Qarxay 1994 oo uu ku guulaystay in uu ciidan beelleedyo ka soojeedda beelaha Ciidagale qoriga ka dhigay isaga oo ku guubaabiyey in ay ciidammada qaranka ee Somaliland oo milaygaasi la dhisay ka mid noqdaana, tallaabadaas oo uu Madaxweynihii xilligaas Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal si weyn ugu diirsaday, suldaankana abaal gud uga dhigay salaan sharaf ay ciidammada kala duwan ee Somaliland Suldaanka ku siiyeen Qasriga Madaxtooyada, isaga oo Madaxweynuhu Suldaan Galaal ku maseeyey halyay taariikhdu xusi doonto. Dhinaca kale Suldaanku waxa uu ahaa hogaamiye tiirdhaxaad u ah Isku xidhka Beelaha Somaliland, gaar ahaanna beelaha Ismaciil Sheekh Isxaaq (Garxajis). Dhinaca kalena waxa uu mar kale kasoo jeedaa qoys taariikh fog ku leh barayaashii iyo fidiyeyaashii diinta islaamka ee Mandaqada Geeska Afrika oo saldhigoodu ahaa dariiqadii magaalada Xaaxi ee duleedka xarunta gobolka Dhaad –madheedh ee Oodweyneyne. Waxana uu aha Marxuum Galaal oo laga xusi karaa inuu ahaa caalim ku xeel dheer diinta isla markaana quudin jiray dadka baahan ee masaakiinta ah. Alla ha u naxariisto’e Marxuumku waxaa uu ifka kaga tagay laba xaas iyo sideed ubad ah oo kala ah Shan hablood iyo saddex wiil. Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.