Waxaa wali qaybo badan oo ka mid ah gayiga Soomaalidu degto ka jira hayb-sooc ama takoor lagu sameeyo qaar ka mid ah bulshada.
Heeb-soocan ayaa mara maraxalado kala duwan oo bulshada lagu takoora ay sheegeen in dhibaato maskaxeed ay u gaysato iyo waliba dhibaatooyin kale oo xag dhaqaale iyo xag nololeedba leh.
Magaalada Qabridahar ee dawlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya waxaa ku yaalla masaajid ay ku tukadaan dadka la heeb-sooco oo aanay bulshada kale kula tukan.
Maalim Cabdulaahi Cabdi Xassan waa Imaamka masaajidkan wuxuuna BBC-da u sheegay inay jiraan dad garab mara masaajidka iyada oo uu aqinkii hataa dhacay.
Imaamka ayaa sheegay inuu horay ula hadlay dadkan una sheegay inuu Masaajidka Ilaahay uu leeyahay oo aanu gaar u ahayn cid ama qabiil gaar ah.
” Waxaan u sheegay inuu masaajidka Ilaahay leeyahay aanay lahayn cid gaar ah ee ku soo tukada, balse ma jiraan wax ka suura galay weli.” Ayuu sii raaciyey imaamka.
Mid ka mid ah dhalinyarada ku cibaadaysata masaajidkan oo lagu magacaabo Muxidiin Shafeec, ayaa BBC-da u sheegay waxa uu arrinkan ka ogyahay.
“Waxaan indhahayga ku arkay dad badan oo inta ay salaadda Maghribka ku soo gashay intay masaajidka galaan kuna waysaystaan haddana ka dhaqaaqan oo masaajidda kale ay salaadda u aadan.” Ayuu yidhi Muxidiin.