Qaahira (Hubaal) – Madaxwaynihii Hore ahna Hoggaamiyaha ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar, Maxamed Mursi ayaa shalay oo sabti ahayd lagu Xukumay Xabsi Daa’in. Maxkamada Danbiyada ee Qaahira ayaa ku xukuntay Lix ka mida Ikhwaanul Muslimiinka Dil Toogasho halka laba kalena ay ku xukuntay Xabsi Daa’in ama madaxa haku Furto. Xabsiyada ku yaala dalka Masar oo xukunka ugu badani yahay 25sano ayaa waxay Madaxwayne Mursi Maxkamadani ku xukuntay 40 sano iyo in noloshiisa oo ku dhameysanayo Xabsiga, kadib markii ay ku eedeysay inuu hogaamiye Xisbi sharci daro ah sida ay maxkamadu sheegtay. Madaxwayne Mursi oo ahaa madaxwaynaha kaliya ee dalka Masar si sharciya lagu Doortay 2012kii waxaa xilkaasi ka tuuray Ciidamada milatariga oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha haatan ee Cabdul Casiisi. Dawlada Masar ayaa carafadii Sanadkii Hore sheegtay inay daldalayso Madaxwayne Mursi, falkaasi oo umad badan oo muslimo ahi ka murugootay laguna cambaareeyay dawlada Milatariga ee dalkaasi, balse markii dambe dawlada Masar way ka noqotay Xukunkaasi kadib markii uu cadaadis kala duwan kaga yimid dawlaha Islaamka. Dawlada Qadar ayaa taageero xoogan u haysa madaxwayne Mursi iyo xubnaha Ikhwaanul Muslimiinka Masar iyadoo dhawr jeer oo hore ka hadashay xukunada ay kala kulmaan dawlada Milatariga Masar. Ururka Ikhwaanul Muslimiinka Masar ayaa ka mid ahaa ururadii sida xagjir ah uga soo horjeeday 2011kii Dawladii Xusni Mubaarik ee Xilka laga tuuray.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Masar Oo Madaxaa-ha-ku-furto Ku Xukuntay Madaxweynihii Hore Ee Dalkaas & Xubno Kale...