Mashaariic Qeyb Ka Ah Ololaha Lagu Xoojinayo Amniga Iyo kala Dembeynta Oo Laga Hirgeliyey Magaallada Laascaanood

0
11

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Oo Xadhiga Ka Jaray Laba Rug Boolis Oo Cusub Iyo Dhismeyaal Lagu Kordhiyey Jeelka Laascaanood

Laascaanood (Hubaal) – Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha   Maxamed Kaahin Axmed Iyo Wefti Uu Hogaaminayo ayaa shalay  Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Kala Duwan oo laga hirgeliyey xarunta gobolka Sool ee Laascaannood. Wasiir Kaahin oo isaga iyo weftigiisu ay maalmihii u dembeeyey safar shaqo ku marayeen deegaannada gobolka Sool iyo guud ahaanba gobollada bari ee dalka ayaa shalay isaga oo ay weheliyaan guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo taliye ku xigeenka ciidammada bilayska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) waxaa ay xadhiga ka jareen mashaariic ay kamid yihiin Rugo bilays oo laga hirgeliyey magaallada Laascaanood iyo sidoo kale dhismaha xabsiga weyn ee magaalladaas oo isagana dayactir balllaadhan lagu sameeyey isla markaana dhismeyaal cusub lagu kordhiyey.

Mashaariicdan Ayaa Ka Mid Ahaa Kuwo Loogu Talagalay Xoojinta Nabada Gobolka Sool Kuwaasi Oo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Bixiyey Amarka Iyo Maaliyada Ku Baxaysaba,  Waxa Ugu Horeyn Weftiga Xog-Waran Ka Siiyey Mashaariicdan Badhasaabka Gobolka Sool Mudane Cabdirashiid Xuseen Cabdulle Gargaar, Waxaanu Sheegay In Mashruucani Ahaayeen  Mid Aduunka Ku Baxay Uu Soo Bixiyey Madaxweynuhu Kuwaasi Oo Ay Bulshadu Aad Ugu Baahnaayeen. Sidoo Kale Waxa Halkaasi Ka Hadlay Maayarka Magaalada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, Taliyaha Qaybta Bilayska Ee Gobolka Sool, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Bileyska Kuwaasi Oo Dhanmaantood Xusay Muhiimada Balaadhan Ee Ay Saldhigyadani Ku Soo Kordhin Doonaan Xaga Ammniga Iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale  Waxa Halkaasi Ka Hadlay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax, Waxaanu Mahadnaq Balaadhan U Soo Jeediyey Dhammaan Cidii Gacan Ka Geysatay Dhismayaashan Kuwaasi Oo Uu Ugu Horeeyo Madaxweynaha Qaranku Mudane Muuse Biixi Iyo Bulshada Reer Laascaanood Kuwaasi Oo Muujiyey Wada Shaqayn Iyo In Ay Dawladooda Si Kal Furan Ugu Soo Dhaweeyaan In Loo Dhiso Saldhigyadan.

Ugu Danbayn Waxa Halkaasi Ka Hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed Waxaanu Kula Dadaarmay Taliyayaasha Bileyska Iyo Bulshada Gobolka Sool In Ay Ilaashadaan Dhismayaahsaa Loo Dhisey. Dhanka Kale Waxa Uu Wasiirku Ku Dheeraaday Sida Loogu Baahan Yahay In Laga Wada Shaqeeyo Ilaalinta Ammaanka Iyo Wada Jirka Ummada, Intaa Ka Dib Wasiirku Waxa Uu Xadhiga Ka Jaray Saldhigyadaasi. Wasiirku Waxa Uu Dhismayaashaasi Ku Wareejiyey Taliye Xigeenka Bileyska Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, Waxaanu Isguna Ku Wareejiyey Taliye Qaybeedka Gobolka Sool.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here