Qof Waday Gaadhi Kuwa Xamuulka Ah Oo Dardarsiiyay Dadka Isugu Soo Baxay Goob Munaasibadi Ka Socotay Magaaladda Nice
Paris (Hubaal/ W.Wararka) Ugu yaraan 80 ruux, ayaa ku naf waayay, tiro ka badan 100 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii Qof waday gaadhi nooca xamuulka qaada, uu dar darsiiyay dad isugu soo baxay meel munaasabad ka socotey magaalada Nice ee dalka Faransiiska gelinkii dambe ee Khamiistii shalay.
Dadka ayaa u dabaal degayay maalinta Bastille Day, oo ah fasax guud oo dalka Faransiiska laga sameeyo July 14-keeda. Wasaaradda arrimaha gudaha Faransiiska, ayaa sheegtay in wadihii gaadhiga ay booliisku toogteen oo ay dileen.
Muuqaalo video ah oo warbaahintu baahisay ayaa la arkaayay meydadka dad fara badan oo waddooyinka daadsan.
Mas’uuliyiinta, ayaanan ku deg degin in ay tallaabadaasi ku tilmaamaan fal argagixisnimo, balse dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in darawalku uu si ula kac ah dadka u jiidhsiinayay gaadhiga.
Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa ku tilmaamay falkan camalada kooxaha xag-jirka ahi ku caanka yihiin markasta, waxaana uu sheegay in xaaladii degdega ahayd ee dalkiisa kaga ekayd bishan, lasii kordhin doono ilaa saddex bilood oo dambe, sidoo kale tirada ciidamadana lagu kordhin doono 10 Kun oo dheeraad ah. waxa uu Mr. Hoolande sheegay in dalkiisu uu adayg kusii noqon doono doorkiisa dalalka Suuriya iyo Iraq.
madaxweynaha Maraykanka Obama ayaa cambaareeyay falkaasi, oo uu sheegay inuu u eeg yahay argagixo.