Mashraariicda DFID, Adam Smith International & Axiom International Waa Ku Halis Somaliland!

0
102

Qalinkii: Aden Abdi Daher

Qaybtii Labaad

Waxyaabaha aan usoo taagnaa anigoo ah turjumaan iyo Habka Caawimadu halis ugu tahay Haykal keena Qarannimo iyo ka Ciidan Boolis ahaan bal aan wax yar idiinka taabto.

Waxaa dhacday in Esler Berry oo ah tababaraha ciidanka ka hortaga rabshadaha in doorka uu imaado siiyo Ciidanka u Tabaraayo yoomkii Afar Dollar Mudada uu joogo iyadoo lacagtaas Markii hore naqad ahaan lagu siin jiray lakiin Markii danbe loogu bedelay raashin Xerada loogu sameeyo.

Wuxuu u hir galiyay inuu heshiis kula gaadho saraakiil in kharashka ay soo dalacdaan iyagoo xisaabinaya in kharashkii raashinka aay tahay laakiin naqad lacagta ku qaadanayaan, wuxuuna mar walba ku odhan jiray arrintani ma oga Safaaradu amaba xafiiska FCO-gu ee waa mid innaga inoo dhex ah.

Halkaa waxaad ka daalacan karaysaan oo kaliyaata in Qaranka ay halis ku tahay sababtoo ah Ciidankeenii Booliska oo duruufo dhaqaale haystaan oo ka qaran ahaan dhaqaalaheennu sidaas aanu u buurnayn ee nimankii lahaa ciidanka ayaan idiin tababaraynaa, Hungurigaa aan buurnayn ee waliba jaran jaro Maraaya, oo sidaa waliba ay wax Kasii go’ayaan oo afar dollar soo gaadhayso una dheertahay kharashaadyo kale oo qolooyinka sarsare qudhoodu wax siyaabo kale loogu habeeyo.

Arimahan aan ka hadlayaa maaha wax cusub ee waa waxyaabo in badan soo jiitamaayay muddo shan sano hore ah iyo hadoo la galay qaybtii Labaad.

Waxaa intaa iyana dheer in Ciidanka oo dhan aanay ahayn, laakiin meelo uun iyo tiro kooban oo intaasi laga fadilo ay dirays helaan halka inta kale aay hal mushahar u xaadiraan iyo raashinkooda Halka kuwan kale guno gaar ah ka helaan Ingiriis.

Markaad intaa ka timado odhaah Uu Yidhi Thomas Sankara  ayaa tidhaahda;  “He who feeds you controls you” Odhaahdan waxaan usoo qaatay waxaan tiro Faro badan u kala turjumay qolada cadaanka iyo ciidanka iyagoo ka cabanaaya taliyeyaashooda xataa heer aay u gudbiyaan awaamiir iyo falal ay ku eedaynayaan. Waan yaabay!!, markay arkaan inaan yara hakaday oo aan yara diidanahay ayaa yidhahdaan, waxba ha yabaalin ee u turjun. Waxaa iyana jirta oo kale in marka kabo ay u baahdaan kuwa cadaanka ah waydiistaan ay qoloda cadaanka ahi iyagu ugu sheegaan kuwa Istoodhka haya iyadoo ay agabkan istoodhka yaala yahay mid u yaala ciidanka oo hore loogu deeqay, hadana wali qolooyinkan u dhex marayaan sababtuna tahay In ninka CAD ee aan ciidanka Ahayn kaliyaata Khibradiisa u gudbinaaya ciidan keena uu saamaynta intaa leeg ku leeyahay oo ay garan Waayeen saraakiisheeni qofkii wax u baahda siiya ilayn idinkaa agabka la idiinku deeqaye.

Bartaa akhriste wax Ma kaaga baxeen iyo heerka dawladdahan ee waxbaa idinka caawinaa ina lehi sida Halista ay ugu yihiin Somaliland.????

Runtii fal dembiyeedyadaa ka bilow Adam Smith International iyo Qoladan dambe ee Axiom International waa shirkaddo iyagu qaatay qandaraasyada fulinta iyo iney Keenaan Askar Ingiriis ah oo shaqada ka fadhiistay oo  ay soo kiraystaan kuwaas oo tababarayaal ah hadday noqoto Ka Hor Taga Argagixisada, Dembi Baadhista iyo wax yaabo kaleba. Lakiin intaas ayaa waxay ku Qaateen lacago gaadhaya Malaayiin Gini fulin toodu iyadoo lacagtaa lagu lunsado siyaabo badan oo ay ka mid tahay Logistic-ga oo Safeway Travel wax badan u qaabilsantahay sida tigidhadooda mar walboow imanayaan Gaadiidka qaadaya iyo Turjumaannada oo ay iyagu u Diraan iyo kiraynta halkay degayaan oo loo sii balaminaayo, Marka ay soo gudbiyaan wakhtiga amaba taariikhda ay imanayaan. Waxaa kale ee Safeway Travel Qaabilsantahay marka agab xafiiseed u dalbayaan xafiisyada ciidanka iyo wixii loo baahdo ee ugu jira Budget ka in iyagu qaabilsan yihiin.

Waxyaabaha aan tiriyoo dhami ma aha kuwo sifo saxa mara laakiin waa loo eekaysiiyaa oo waa laga war qabaa in Safeway Travel Xitaa adeegyo intaa ka badan u qabato laakiin qoraalada Danbe ayaan ku xusi doonaa.

Waxaan kaloo ku xusi Doona Habka musuq-maasuq iyo heerka uu le’eg yahay ee ay innagu dhexbeereen iyo sida ciidanka uu ukala qaybiyay iyo colaadaha ka dhex jira oo Xataa wada shaqayntii Ciidanka Somaliland Saamaynta ay ku yeelatay DFID mashaariicda “Police Reform” .

 

Qalinkii: Aden Abdi Daher

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here