Waa maqaal xiiso badan oo u qoray Ra’iisal-wasaarihii hore ee Maleeshiya Dr. Mahathir Mohamed oo uu kaga warramayo sidda uu u arko waxyaabaha ka dhacaya dalka Masar. Waxa Af-soomaali u turjumay Cabdillaahi Beershiya oo bahda Jamhuuriya ka tirsan.
Dr. Mahathir Mohamed oo ah hoggaamiyihii aqoonta iyo horumarka wadanka Maleeshiya oo ku suntan horumar, siyaasad wanaagsan iyo hoggaamiye daacad ah kana mid ah dadka tirada yar ee muddo kooban wadamadooda ku horumariyey ayaa wuxuu maqaal dheer ka qoray xaalada Masar oo uu kalaga waramayso sidduu u arko dhibaatada wadankaas ka jira iyo cidda ka dambaysa.
Maqaalkaas oo afaf badan loo turjumay ayaa wuxuu ku bilaabay sidan; “Waxaan dhawr jeer ku celceliyey inay Masar dhex marayso mashruuc ballaadhan oo qiimihiisa lacageed ku filnaan lahaa afar meeloodoow meel dawladaha adduunka, haddii mshruucaasi uu ku dhici lahaa maanta mid ka mid ah dawladaha reer Yurub, reer galbeedka oo dhammi waxay u arki lahaayeen arrin qaran oo u baahan in laga hawl galo.
Waxyaabaha Masar ka dhacaya waxa u aabo ah saamaynta iyo burburka ciiddamda iyo dadka hantida lihi ku hayaan wadamda Afrika, waana ta keentay in la mijo xaabiyo madaxweynihii ugu wanaagsanaa ee soo mara wadamada Carabta ee waliba dadkiisu six or ah u doortaan.
Dad badan ayaa iska aaminay inuu Mursi ahaa nin daciif ah oo liita, haddiise loo raacaba hadalkooda wuxuu u jilic sanaa dadkiisa laakiin reer galbeedku umay arkayn inuu yahay nin daciif ah markay eegeen go’aanada uu qaatay sannadkii uu xilka hayey ee ay ka mid ahaayeen go’aankii cajiibka ahaa ee uu ka qaatay mandaqada Saynaa si u ammaankeeda u sugo.
Waxyaanaha iga yaabiyey waxa ka mid ah in dadka reer Masar qaar ka mid ahi rumaysteen inuu Mursi ahaa basaase cid kale u adeegeyey oo uu iibiyey gobolka Saynaa iyo buuraha Ahraamta loo yaqaano, waxaasi waa kutidhi ku teen aan sal iyo raad toona lahayn oo ay ku celcelinayaan calooshood u shaqaysatayaasha warbaahinta jooga ee mabda’yadoodii ka iibiyey shaydaan iyo wax ma tarayaal.
Qaar badan ayaa ku war helay markii Mursi iyo dawladiisii la riday in aanay samayn wax musuqmaasuq ah muddo sannad ku siman, mid ka mid ah saraakiishii dawladiisiina laguma eedayn wax uu lunsaday iyo akhlaaq xumo toona.
Xataa xukuumadiisa laguma hayn masuul hanti ka qaatay qof kale si uu hawl ugu dhammeeyo, waxaana murkhaati inagaga filan inuu Mursi xaafadiisa ku biilin jiray hantiddii uu sida gaarka ah u lahaa. Waana sifo lagu arko oo keliya dadka hoggaamiyayaasha ah ee tirada yar, sidaasdarteed Mursi wuxuu meel fiican ka galay diwaanka hoggaamiyayaasha.
Maalimaha iyo biluhu way soconayaan Masarna waxay ahaan doontaa wax aan la fahmin, horumar ka jiri maayo, dimuqraadiyadna hadalkeeda daa, dawladna haba soo hadal qaadin, waxa haysan doonta hoggaamin xumo, iyo nidaam maamul oo kala daadsan dalkuna wuxuu ahaan doonaa fawdo aan xal lahayn.
Waxa hubaal ah in dadka ku bahoobay inay afganbiga sameeyaan aanay waxba heshiis ku ahayn marka laga reebo inay ridaan Mursi mooyaane, waayo mashruuca Mursi wuxuu socon lahaa siddeed sanno oo ku filan inay Masar horumarto.
Ugu dambayntii, Masar waa dawlad bilaa indheer-garad ah oo aqoonyahannadeedii ay fadhfadhiyaan uun albaabada millatariga, waxa ka guuray mabaadi’dii oo waxay isku rogeen danaystayaal. Sidaas darteed, waxaan ku dhiirigelinyaa dadka reer Masar inay sii wadaan hawlahooda ilaa ay iska dhiciyaan afganbiyayaasha iyo saxafiyiinta dhuuni-raaca ah ee taageeraya ilaa ummaddu ay ku soo noqonayso waddadeedii.
Xigasho….JMG