Mashruucii Biyo Balaadhinta Hargeysa Oo Gabi Ahaanba Istaagay Iyo Khilaaf Culus Oo Soo Kala Dhex Galay Shirkadahii Gacanta Ku Hayey

0
65

Hargeysa :-(Hubaal) Magaalada Hargeysa waa Caasimada Jamhuuriyada Somaliland, waana magaalo baaxad weyn isla markaasina ay ku nool yihiin dadyow tiro badan kuwaasi oo dabaqada nolosha ee ay ku nool yihiin ay kala duwan tahay.xumboweyne projects

Biyahu waxa ay ka mid yihiin baahiyaha aas-aasiga ah ee Nolosha, waxaana la wadda ogyahay in aan noloshu ka maarmin biyaha, Caasimada Hargeysa ayaa ah magaalo aanay in badan oo ka mid ah xaafadaha magaaladaasi aanay helin biyo ku filan isla markaasina ay baahiyahooda nololeed ku kafeeyaan.

Mudooyinkii ugu dambeeyey ayaa wax aka socday magaalada Hargeysa Mashruuc balaadhan kaasi oo lagu balaadhinaayo biyaha Caasimada si bulshada kala duwan ee ku nool gudaha caasimadu ay u heli lahaayeen biyo ku filan kuwaasi oo ay ku kafeeyaan gabi ahaanba baahiyahooda nololeed, mashruucaasi oo ay si weyn ugu hanqal taagayeen Bulshada Caasimada ayaa gabi ahaanba wakhti xaadirkan istaagay taasi oo aanay wax shaqo ah ka socon gabi ahaanba goobihii kala duwanaa ee uu ka socday mashruucani, Si Xogo u dhuun daloola arimahaasi ay u xaqiijiyeen Shabakada Wararka Haqabtire-news ayaa waxa uu ka dambeeyey in uu talax gabo mashruucaasi khilaaf culus oo soo kala dhex galay shirkado laba ah oo lagu kala magacaabo AWASHA oo laga leeyahay dalka Itoobiya iyo Shirkada STAR Group oo laga leeyahay Somaliland, khilaafkani soo kala dhex galay shirkadahani ayaa sababay in uu gabi ahaanba istaago mashruucaasi.

Mareeyaha Cusub ee Wakaalada Biyaha Hargeysa Maxamed Cali ayaa gabi ahaanba mudadii uu majaraha maamul u qabtay Maamulka Wakaalada biyaha Hargeysa waxa hoos u dhac balaadhani ku yimi hanaankii shaqo ee wakaalada iyo sidoo kale in uu gabi ahaanba istaago mashruucani Biyo balaadhinta Caasimada taasi oo masuuliyadiisu ahay in uu ka shaqeeyo shaqaajinta mashruuani.

Ugu dambayntii bulshada kala duwan ee ku nool Magaalada Hargeysa ayaa si weyn waxa ay ugu hanqal taagayaan halka uu ku dambeeyo mashruucani Biyo balaadhinta caasimada oo ay si weyn ugu hanqal taageyeen in mar uun caasimadu hesho biyo ku filan.

Source: Haqabtire-News Desk

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here