Masuul Caadaystay Hagardaamada Warbaahinta Oo Laba Weriye Jidh-dil iyo Xabsi Ugu Geystay Berbera

0
49

Masuulkan Oo Hore Goob Habeenimo ah Weerar qorshaysan ugu soo qaaday Xarunta Wargeyska Hubaal Oo Haatanna Hagardaameeyey Suxufiyiin Reer Berbera ahLabada-wariye-ee-la-xidhay

Berbera:(Hubaal)-Ciidamada Booliska  magaalada Berbera oo uu horkacaayo Badhasaabka gobolka  Saaxil Md. Jaamac Yuusuf Axmed, ayaa xabsiga utaxaabay laba wariye oo ka hawl-gelayey Telefishanada Star iyo Waaberi, kuwaas lagu kala magacaabo  Mubaarik Cismaan Siciid(Nirig)  Axmed Siciid Maxamed, waxana soo baxaya warar sheegaya in jidh-dil loo geystay labada weriye.

Weerarka iyo jidh dilka labada wariye lagu qaaday ayaa waxa qeyb ka ahaa Agaasimihii hore ee gaadiidka Madaxtooyada, haatana ah dirane xil qarsoon ka haya aqalka madaxtooyada oo lagu magacaabo   Abshir Xasan Sheekh, kaas oo haatan hawlo madaxtooyada gaar u ah u jooga magaalada Ethiopia.

Goobta dhacadadani ka dhacday oo aheyd Jago banaan oo kutaala shacabka Berbera islamarkaana ay dad danyar ah oo reer Berbera ahi sheeganayaan balse uu Abshir dhisme bino ah uga wado qoyska madaxtooyada, ayuu muran badani ka taagan yahay, waxana uu weerar degdeg ah ku qaaday labada weriye oo iyagu doonayey inay goobtaas xog dheeraad ah ka helaan.

dhismaha

Dirane Abshir Xasan oo ka hor tegay in bulshada loo bandhigo dulmiga ay dadka goobtaas sheeganayaa farta ku fiiqayaan, waxana xilligii uu weerarka ku qaadayey weriyeyaasha uu ku sugnaa goobta dhulkaas oo u dhaw shacabka Berbera, gaar ahaan xabsiga weyn.

Labada weriye, ayaa la sheegayaa inay qabaan dhaawacyo ka gaadhay wajiga iyo gacmaha, waxana wararku intaas ku darayaan in khasaarahaas loo tirinayo sarkaal Abshir Xasan laftiisa oo ay wariyeyaasha gacan isula tageen.

Wariyayaasha dhaawacyada qaba ayaa ku jira saldhiga Berbera, waxana ay eheladoodu sheegayaan inay Dhakhtar u baahan yihiin, balse aanay cidina geynin.

Dirane Abshir, ayaa sanado ka hor weerar qorshaysan goor habeenimo ah kusoo qaaday xarunta wargeyska Hubaal ku leeyahay magaalada Hargeysa, halkaas oo koox budhcad ah oo uu hoggaaminayo wiil ay walaalo yihiin xarunta wargeyska soo galeen, isla-markaana ay geysteen dhaawacyo kala duwan.

Weerarka iyo xadhiga cusub ee uu horseedka ka yahay dirane Abshir Xasan ayaa marag u ah sida uu ugu tafo xaydan yahay inuu hagardaamo iyo dhibaato joogto ah u geysto weriyeyaasha, isla-markaana aanu ixtiraam u haynin warbaahinta dalka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here