Masuul Dayacaadda Shaqadiisu Halis Ku Hayso Bulshada Oo Qiray Habacsanaanta Xafiiskiisa Ka Jirta

0
25

“Ma Odhan Karo Wax Kasta Sidii Loogu Talo Galay Bay Badbaado Ku Sugan Yihiin, Laakiin Waxaan Aaminsanahay In Wax Badan Oo   Khaldan…”

biikaloHargeysa (Hubaal)-Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Md  Cali Maxamed Biikalo, ayaa qiraal ka Bixiyey Habacsanaanta xafiiskiisa ka muuqata iyo Sida shacabka somaliland marwalba halis ugu jiraan inay soo gaadhaan Cuntooyin iyo daawooyin aan isticmaalkoodu haboonayn. Cali Maxamed Biikalo oo qaranka ugu magacaabin shaqo shacabku baahi weyn uqabo ka midho-dhalinteeda, isla-markaana aan hore u qaadan wax tallaabo ah oo uu kaga hortagayo daawooyin iyo cuntooyin wakhtigoodii dhacay oo dalka lagu soo daldalayo, ayaa arrimahaas ka markhaati kacay, balse ma uu sheegin wax isbeddel oo uu shaqadiisa ku samaynayo xilli uu warramayey HCTV.  Md Biikalo waxa uu sheegtay hawlo u qabsoomay, balse aanay wali indhaha shacabku qabanin, isagoo intaas ku daray inay jiraan qabyooyin badani,“runtii Hay’addani muhiimadda iyo hawlaha shaqo ee u yaallaa iyadoo ay ballaadhan yihiin, waxanu isleenahay wax badan baa qabateen muddadii aad xafiiska joogteen, wax baddan oo aanu gaadhiweynayna waa jiraan.” Ayuu yidhi Cali-biikalo.

Guddoomiye Biikalo oo muddo dheer xafiiska joogay, isla-markaana aan wali ku guulaysan inuu wax ka qabto Halista Caafimaad ee bulshada ay ku hayaan raashinta tayadiisu hooysayso ee sida joogtada dalka usoo gelayaa, ayaa haddana sheegay inuu wax badan arrimahaas ka qabtay, waxana uu yidhi,“ma odhan karo wax kastaa sidii loogu talo galay bay badbaado ku sugan yihiin, laakiin waxan aaminsanahay in wax badan oo dhib geysan lahaa ama khaldan inaanu ka hawlgalnay ama aanu qabannay.”

Waxa uu shacabka ugu bushaareeyey inay markasta ku jiraan Halis xagga noloshooda ah, isla-markaana dalka lasoo gelin karo Cuntooyin caafimaadkooda dhaawaci kara,

“dadku ha ogaadaan in marwalba ay halisi jirto, waayo dalkeenu waa furan yahay oo meel waliba halis ayaa kasoo geli karto.” Ayuu yidhi Cali-biikalo.

Tan iyo intii madaxweyne Siilaanyo Cali-biikalo u magacaabay Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland, ma jirin wax tallaabo la taaban karo oo uu ka qaaday Ganacsato caadaystay inay macaash ka dayaan Sumaynta dadkooda, kuwaas oo si joogta ah maalin walba u keena Kumanaan tan oo raashin iyo daawooyin iskugu jira, kuwaas oo dadka si caddaan ah looga iibiyo.

Sidoo kale wali lama hayo goob uu Guddoomiye Cali ku shaacinayo raashin ama daawo dhacday oo laga qabtay Goobada waddanka wax laga soo geliyo sida Garoomada diyaaradaha iyo Dekedaha, waxana uu u muuqdaa mid ku milmay Suuqa madaw ee Ganacsatada naxariistu ka guurytay ku dhiigmiirtaan dadkooda danyarta ah.

Baahida ugu weyn ee Maanta shacabka somalialnd qabo, ayaa ah in laga kaantaroollo daawooyinka iyo cuntooyinka dhacay ee ganacsatadu usoo waaridayaan, balse waxa nasiibdarro noqotay in Haya’ddii dhawrista ee arrintaas ku shaqo lahayd noqoto mid fadhiid ah oo aan wax dhaqdhaqaaq ah haynin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here