Xildhibaan Obama Muxuu Ka Yidhi In Uu U Xusul-duuban Yahay Hanashada Guddoomiyaha KULMIYE?
Hargeysa (Hubaal)-Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama) oo katirsan saraakiisha saree e xisbiga KULMIYE, ayaa beeniyey warar laga baahiyey oo sheegaya inuu hunguraynayo kursiga guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE.
Xildhibaan Obama oo warbaahinta kula hadlay xarunta golaha wakiillada, ayaa si cad u sheegay inaanu tartan ugu jirin inuu kamid noqdo hoggaanka saree e xisbiga KULMIYE, waxana uu meesha ka saaray jiritaanka wax loollan ah kuraasta xisbiga ugu sarraysa loogu jiro, “guddoomiye xisbi oo aan u tartamayo iyo guddoomiye-ku-xigeen aan u tartamaya midna ma jirto, lamana joogo wakhti lagu tartamo kuraasi xisbi, aniga oo kali ah ma ahee ma jirto wax loollan ah oo xisbiga dhexdiisa ka jirtaa.” Ayuu yidhi xildhibaan Obama.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xildhibaanku shaaca ka qaaday inay muddo badani ka hadhsan tahay tartan loo galo guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE, waxana uu yidhi,“Muddo afar sano ah ,ayaa ka hadhsan wakhtigii kuraasta xisbiga lagu tartami lahaa, xisbiguna shirkiisii wuu qabsaday”
Xildhibaan Maxamed Cali Obama mar uu ka jawaabayey ballanqaadka shuruudaysan ee uu guddoomiyaha WADDANI ku wareejinayo hoggaaminta xisbiga waxa uu yidhi,“Kulmiye isaga ayaa hindisay oo uu toban sano horteed madaxweynuhu sameeyey isaga oo shalay guddoomiye xisbi ahaa, ayuu markuu madaxweynaha noqday wareejiyey.”
Waxa uu xildhibaanku diiday sidoo kale warar sheegaya inuu ku ruqaansan doono kursiga guddoomiyaha wakiillada oo la filayo inuu guddoomiye Cirro ka tegi doono dhawaan, waxana uu sheegay inaanu u soconin halkaas,“ama xisbiga KULMIYE ha noqota ama baarlamaanka ha noqotee midna anigu mansab kama doonayo diyaarna uma ihi.” Ayuu yidhi Xildhibaan Obama.