Hargeysa (Hubaal):-Hal-door Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, oo ka mid ah mas’uuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa xisbigiisa ku dhalliilay nin meyd ah oo toddobaadkan meydkiisa laga helay badtamaha magaalada Hargeysa kaasi oo aan illaa hada aan la garaneyn sababta uu u dhintay, waxaana uu sheegay in xisbiyada mucaaradka aan loogga baahneyn in lagu helo magac iyo maalba balse mas’uuliyad weyni ay ka saaran tahay shicibkooda oo marxuumkan meydkiisa la helay uu ugu horeeyey.
Hal-door Barkhad Jamac, ayaa hadalkan ka sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyey boggiisa uu ku leeyahay Internet-ka ee degalka Facebook-ga, waxaana sida oo kale uu tibaaxay in xisbiyadda mucaaradka Somaliland in aanay diyaar u ahayn shaqo shicib sida oo kalena ay yihiin kuwo had iyo jeer u heelan in ay markooda cunaan hantida iyo maalka yar ee laga soo ururiyo dadka danyarta in ay markooda hiigaan, isaga oo ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan shaqo shicib oo ugu adeegaan si hufnaan ah oo aan ahayn aan markeyga quuto.
“Qolooyinka Mucaaridka ah kursigu maaha magac iyo maal ee waa masuuliyad adag oo la rabo in aad shaqaale shicib ku noqoto, Marxuumkan magaciisa iyo muuqiisa midna garan maayo laakiin saaka ayaa maydkiisa lagu arkay suuqa dhexe magaalada Hargeysa, cida uu Alle waydinayo waa kuwa umadda ugu dhaartey kitaabka ee masuuliyadda muwaadiniinta qaaday Allow muu cumar binu khadaab noolaado in qof islaam ahi diif iyo daranyo ugu dhinto shaaricyada suuqa waxaanay tani daliil u tahay fashilka dawladnimo ee dalkeena. waxaan kula talinayaa kuwa mucaaridka ah ee aan ku jiro iney shaqo shicib u diyaar garoobeen laakin aaney niyada ku hayn markayga maalka maatida aan cuno. Allow dawlad dadkeeda daryeesha oo danta guud iyo danyarta u adeegta oo kheyr qabta na sii.”.Ayuu Haldoor Barkhad ku yidhi boggiisa Face-buugga.
Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi oo ah mas’uul ka mid ah xisbiga WADDANI, ayaa muddooyinkii dambe u muuqday mid dhalliilo tibaaxan hoosta ka galinayey xisbiyadda mucaaradka Somaliland, waxaana ay ahayd dhawaan markii uu wasiiru-dawlaha cusub ee wasaaradda biyaha dhawaan loo magacaabay uu ku taageeray xilka uu madaxweyne Siilaanyo u igmaday mas’uulkaas sida o kalena uu ugu baaqay beeshiisa uu ka soo jeedaana in ay taageero u muujiyaan mas’uulka loo magacaabay.