Hargeysa (Hubaal):- Cabdi Baaruud oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya kuna magacaaban guddoomiyaha jaalliyada Soomaaliyeed ee wadamada dibada ayaa la sheegayin uu qorsheynayo safar uu ku yimaado magaalada Hargeysa ee xarunta dalkan Somaliland. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay imaatinka masuulkan hase ahaatee sida ay xalay daabacday shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews.com oo aanu warkan ka soo xiganay waxa uu intaa ku darayaa in imaatinka masuulkani aanay ahayn marki u horeysay balse uu dhawr jeer socdaallo ku yimi Somaliland, taas oo ay ugu dambaysay horaantii bishii ina dhaaftay ee August oo ay shabakadu sheegtay in uu Hargeysa kaga qayb galay bandhigii carwada buugaagta Somaliland ee Somaliland Book Fair.
Masuulkan lagu magacaabo Cabdi Baaruud oo ah nin dhalinyaro ah ayaa shabakada Hadhwanaagnews ku tilmaamtay shakhsi si weyn uga soo hor jeeda qaddiyada Somaliland iyo gooni isu taaggeeda, isaga oo inta badan wadamada ay xidhidhka la leedahay wasaarada uu ka hawl galaa ka codsada inaan marna la aqoonsan somaliland. Masuulkan oo hada ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda ka soo dego Madaarka Hargeysa isagoo markuu yimaadana la sheegay inuu kulamo kala duwan la qaato xubno ka mid ah xukuumada somaliland. Masuulkan Lala Xidhiidhiyey inuu u ololeeyo Mabda,a Somaliwayn ayaa Imaanshihiisa Hargeysa ay Salka ku Haysaa Xidhiidh ay Leeyihiin, wasiiro ka tirsan xukuumada iyadoo xiliyo kala duwana uu safaro ku yimid Somaliland. waxaanay Arintani ku soo Beegmaysaa iyadoo Xiligan uu Jiro Loolan Salka Ku Haya Dhinaca Awood Qaybsiga Xisbiga Kulmiye, kaas oo u dhaxeeya masuuliyiin ka tirsan xukuumada.
Dhinaca kale Xukuumada somaliland ayaan wax tallaabo ah ka qaadin masuulkan ka tirsan wasaarada arimaha dibada somaliya ee dhawrka goor ee is xig xigta yimid wadanka somaliland.