Hargeysa:(Hubaal)-Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Md. Cabdi Cali, ayaa muujiyey sida uu u saluugsan yahay fasiraadda ay bahda aqoonyahanka reer Somaliland saareen heshiiska ay xukuumaddu shirkadda DP World kula gashay inay maalgeliso dekeda Berbera.
War qoraal ah oo uu agaasimuhu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-gga,Waxa uu ku sheegay inuu ka niyadjabsan yahay qaabka ay aqoonyahanka reer Somaliland uga falceliyeen saamiga la sheegay inay dawladda Ethiopia ku yeelatay heshiiska ay DP World ku maalgelinayso dekedda Berbera, waxana uu xusay inay fasiraadaasi tahay wax laga xumaado, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan maalmahanba rogayay bogagga Face-buugga. Marka laga reebo midhaha aad u yar waxa aqlabiyaddu isku raacday in ay qalad tahay saamiga Ethiopia ka qaadatay dekadda Berbera. Waxa halkaa iiga soo baxday in mustawaheena tacliintu aad u liito. Wax badan may soo kordhin dhalintii Jaamacadaha ka baxday. Waan ka xumahay in aanay fahmin badidoodu sida adduunku u shaqeeyo maanta. Way Way back. So sorry for that.”
Agaasime Cabdi Cali oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in shirkadda DP World tahay shirkad caalami ah oo ay cid waliba saami ka geli karto, sidaas darteedna aanay cidina ku doodi Karin inay dekedda Berbera saami ku yeelato, waxana uu yidhi, “Adeer Dp-world ma aha shirkad waddaniya oo Imaaraatiya. Waa shirkad caalami ah (international not national). Maxaad ka ogtahay waxa ku jiri kara china, USA, UK oo sheer ku yeelan kara. waa la soo dhaafay adeer xilligii shirkadaha waddaniga ah.”
Waxa uu Agaasimuhu sheegay in maanta adduunku dagaal dhaqaale ku jiro, isla markaana aanay dagaalkii hubka la dhaafay, “Haddii share ay siiyeen Itoobiyaanka iyagaa xor u ah DP-world. Waa la soo dhaafay xilligii qawmiydaha ama diimaha la isu dili jiray. Immika arrinku waa dagaal ganacsi iyo dhaqaale,” ayuu yidhi Cabdi Cali.