Mas’uuliyiin Ku jiray Isku Shaandheyntii Habeen Hore Oo Asbaab Isku Mid Ah Ku Quudhsaday Xilalkii Loo Magacaabay

0
30

Madaxweyne Siilaanyo Oo Markale Il-duufay Inuu Cashar Ku Qaato La-tashi La’aantii Uu Prof. Samatar Iskaga Casilay Guddida Ictiraaf-raadinta Somaliland

madaxweyne-axmed-siilaanyo-aftahannewsHargeysa:(Hubaal)-Dhirbaaxadii ugu weydnayd, ayaa ku timi isku-shaandhayntii habeen hore kasoo baxday aqalka madaxtooyada Somaliland, waxana soo baxay xubno tiro badan oo magacaabistaas lagu soo daray oo si cad u diiday inay qabtaan xilalka madaxweynuhu u igmaday.

Xubnaha diiday xilalka loo magacaabay oo ilaa haatan tiradooda lagu sheegay ilaa afar xubnood, ayaa dhammaantood muujiyey quudhsi iyo saluug ay xilalkaas ka dhex arkeen, waxana ay hadalkooda ku xuseen inaan wax talo ah laga weydiinin mansabyada la siiyey.

Xubnaba sida cad u diiday inay xilalka loo magacaabay qabtaan, ayaa kala ah Maxamed  Axmed Caalin(tiimbaro) oo loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, kaas  warbaahinta qaar u sheegay inaan lagala tashan xilkaas, balse warar diidmadiisa u dhuun daloolaa sheegayaan inuu xil wasiirnimo filayey.

Khadar Xaaji Yuusuf Cabdilaahi oo loo magacaabay wasaaradda cusub oo loo bixiyey, wasaaradda Hidaha, Dhaqanka Iyo Dalxiiska, ayaa diiday inuu xilkaas qabto, waxana uu sheegay inaan lagala tashanin xilka loo igmaday, balse aanu marnaba diideen haddii wasaarad dhaanta midda loo magacaabay loo igman lahaa.

Agaasimihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dhinaca Dawladaha hoose Ambassador Cabdifataax Siciid Axmed oo loo magacaabay wakiilka Somaliland ee dalka Djibouti, ayaa xilkaas diiday, waxana uu xusay inaan wax talo ah la weydiinin.

Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud oo loo magacaabay wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Kalluuumaysiga iyo Khayraadka Badda, ayaa isaguna warbaahinta ka sheegay inaanu xilkaas diyaar u ahayn, isaga oo cudur-daar ka dhigtay inaanay cidiba talo weydiinin.

Waraysi uu siiyey telefishanka HCtv, ayuu ku sheegay in madaxtooyadu dafirtay xuquuqdiisii ahayd in laga talo geliyo xilka la siinayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Aniga cidina igalama tashan, la imana weydiin inaan diyaar u ahay iyo in kale, waxyaabaha ugu badan ee aan ka cudur daaranayo ayey kamid tahay, qofka bani’aadamka ah marka wax la siinayo am axil loo magacaabayo, dalka anigu xaq baan ugu leeyahay inaan qabto, markaa kollay madaxweynaha ayaa awood distoori u leh inuu qofkii uu doonayo xusho, qofkuna xaq distoori ah buu u leeyahay inuu aqbalo iyo inuu diido, aniguna waan ka cudurdaartay aniga oo aan xilkaas qaban karaynin aawadeed”.

Boogaha cusub ee ay yeelatay isku-shaandhayntii habeen hore kasoo baxday aqalka madaxtooyada, ayaa saamayn liidata ku yeelatay xukuumadda, waxana loo arkaa mid aan si cilmiyeysan looga soo baaraan-degin, isla-markaana xubno badan oo siyaasiyiina la magacaabay kamid ah si laab la-kac ah liiska loogu soo daray.

Hore ayey caqabadan oo kale uga hortimi madaxweyne Siilaanyo, balse wax cashar ah kama uu baran, waxana xusid mudan inuu Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iska diiday guddida ictiraaf raadinta Somaliland oo lagu daray, isaga oo sheegay inaan arrintaas wax talo ah cidiba ka weydiinin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here