“Tolkayaga Uun Baa Na Rasaaseeyay, Oo Nasoo Qabanayay Ee Xadhiga La Sheegay Inuu Kulmiye Na Xidhay Waxba Kama Jiraan……” Guddoomiyaha Dhalinyarada Beesha Gubado
Hargeysa (Hubaal) Siciid Maxamed Jaamac, Ismaaciil Maxamed Askar iyo Cabdilaahi Jaamac Xaaji Yuusuf oo sheegay inay kamid yihiin golaha dhexe ee xisbiga Waddani, iyo laba masuul oo sheegay inay yihii guddoomiyeyaasha xisbiga Waddani ee tuulooyinka Nasiye iyo Balanbaal, ayaa shir jara’id oo habeenkii Jimcaha ay si wada jir ah ugu qabteen hotel Nasteexo ee magaaladda Burco, waxay ku sheegeen inay gebi ahaanba iska casileen xilkii iyo xubinnimadii ay ka hayeen xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.
Masuuliyiintaasi hadaladooda waxaa kamid ah ahaa; “waxaan xisbiga Waddani ka tirsanaa muddo imika laga joogo ilaa sanad, waxaana ahaa xubin golaha dhexe ee xisbiga Waddani.
Waxa igeeyay xisbiga Waddani hankeyga, muddo markii aan joogay, arrimihii aan doonaayay, markaan ku arki waayay, waxaan go’aansaday, inaan dib uga noqdo oo aan ku noqdo xisbigii Kulmiye ee aan markii hore kasoo baxay.”
“waxaan kamid ahaa xisbiga Waddani, aniga oo ahaa golaha dhexe ee xisbgaas, markii aan arkay reerkayagii inay meel wada mareen, waxaan ka baqay geedkii layskeenayay ee Naq-dhabiijo, markaan arkay Beer, Naq barwaaqo, Geed dahaar iyo Nasiye maalintii dhaweyd sidii reerku isku raacay ee ay wado u wada mareen, sidaas daraadeed waxaan aniguna gartay inaan odayaashayadaa raaco oo aan hadalkooda qaato, sidaasna waxaan iskaga casilay xibiga Waddani.”
Guddoomiyeyaasha tuulooyinka Nasiye iyo Balanbaal ee xisbiga Waddani oo hore loo sheegay inuu xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye uu xidhay, ay arrintaasi ku tilmaameen waxba kama jiraan “aniga oo ku hadlaya afka Balanbaale ka dhalinyarada beesha Gubado, waxaan halkan ka sheegayaa inaan iska casilay xisbiga Waddani, kuna biiray xisbiga Kulmiye, waxbana kama jiraan xadhiga la sheegay inuu Kulmiye na xidhay, ee tolkayaga uun baa na rasaaseeyay, oo nasoo qabanayay, annaguna waanu u qabsoonay oo raacnay tolkayaga.”