Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiye ku xigeenkii Afraad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Milgo-sanbalooshe) iyo laba xubnood oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbigaasi ayaa goor dhaweyd xabsiga loo taxaabay.
Labada xubnood ee lala xidhay Guddoomiye Ku Xigeenka Afraad ayaa kala ahaa Hinda Xasan Idiris iyo Daa’uud Food Cade, ayaa laga qabtay wadada hor marta madaxtooyada, ka dib markii mid ka mid ah saraakiisha ciidamada boolisku uu u dalbaday askarta Ilaalada Madaxtooyada.
Masuuliyiintan ayaa lagu xidhay saldhiga dhexe ee Magaaladda Hargeysa halkaas oo askartii soo qabatay soo gaadhsiiyeen.
Lama garanayo ilaa iminka sababta xadhiga Masuuliyiintan, mana jirto cid xukuumadda ka tirsan oo ka hadashay, hasayeeshee ilo wareedyo u dhuun daloola xadhiga Masuuliyiintan ayaa ku xidhiidhiyay in uu ka dambeeyay ka dib markii la ogaaday in ay ka tirsan yihiin guddida qaban qaabada ee munaasibad maalinta berri ah loo samayn doono masuuliyiin ku soo biiraya xisbigaasi.
Hore ayaa xisbiga Wadani waxa looga xidhay Xoghayihii hore ee xanaanada xoolaha, ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu u hanjbay guddoomiyeha Golaha Guurtida Somaliland.
Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office