Masuuliyiinta Dawladda; Miyeydun Ka Maaaranteen Warbaahintii Madaxa-Banaanayd

0
91

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax Guribarwaaqo waxa uu maanta gollaha wakiilada kaga dhawaaqey mar uu hadal ka jeedinaayey in ay aanay  masuuliyiinta dawladdu adeegsan doonin warbaahinta gaarka loo leeyaha. Wasiirku waxa uu sheegay in masuuliyiinta dawladdu ay keliya ka hadli karaan ama marka ay u baahdaan ay adeegsan doonaan warbaahinta dawladda.

 

Guribarwaaqo waxa uu xildhibaanadii halkaasi ku sugnaa ka codsadey in ay ku taageeraan  oo si ay hawshaasi u hirgasho la ansixiyo wasiirnimadiisa. Su’aashu waxay tahay; xildhibaanadu waxay gollaha u fadhiyaan dejinta shuruucda dalka iyo ansixintooda, miyey hilmaameen mise ogaanbey u hareer mareen  in ay wasiirka wax ka weydiiyaan go’aankaasi uu sheegay in ay isla qaateen isaga iyo masuuliyiinta dawladdu? Jawaabtu waxay u dhawdahay in la hareer marey iyadoo la arkaayo.

 

Xildhibaanadu maxay wax uga weydiin waayeen wasiirka xeerka baneynaya in saxaafadda madaxa-banaan aanay masuuliyiinta dawladdu la hadli karin ama adeegsan kari? Ma xildhibaanadaa sharciga ilaalineyn mise wasiirkaa moog sharciga warbaahinta ee Somaliland ka yeela.

 

Xeer No. 27/2004 oo ah   xeerka saxaafadda Somaliland oo ay anxisiyeen baarlamaanka Somaliland sannadkii 2004tii waxa uu dhigayaa qodobkiisa 30aad sidan;

 

Waajibinta la shaqaynta saxaafadda

 

  1. Saraakiisha Dawladda waxa waajib ku ah, inay la shaqeeyaan oo gacan siiyaan saxaafadda, si ay hore ugu mariyaan mabaadiida sheegaysa xaqa dadweynuhu u leeyahay warhelidda.

 

  1. Xukuumadda waa inay dhiirigeliso saxaafadda isla markaana taakulayso intii suura gal ah.

 

Dastuurka Somaliland wuxuu dhigayaa isna; “Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo  kasta  oo  Iagu  cabudhinayo;  hawshoodana  xeer baa nidaaminaya”.

 

Haddaba marka aynu eegno Somaliland saxaafaddeedu inkasta oo ay noqotey “Tebiyayaal tirro badan oo tayadoodu yar tahay”, handana warbaahintu waa tiirka afraad ee dawladnimada. Warbaahinta madaxa-banaan oo la cabudhiyaa ama cadaadis la saaraa waxay kelifeysaa in cadaadis badani dawladda kaga imaado warbaahinta madaxa-banaan iyo mucaaridkaba.

 

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland maadama oo uu sheegay in masuuliyiinta dawladda ay isla qaateen in ay la hadlaan warbaahinta dawladda oo qudha, waxaan handana hubaa in haddii warbaahin kale oo madax-banaan oo gaar loo leeyahay bal se aan dalka ka hawl galin qofka ugu horeeya ee u hanqal taagaya in uu la hadlo uu isaga yahay.

 

Wasiir Guribarwaaqo ma hubo in uu isagu qorshaha dejiyey oo masuuliyiinta dawladda ula tagey bal se waxa cad uun in lasyla meel dhigey muquurinta warbaahinta madax-banaan.

 

Xildhibaanada maanta sida duuduubka ah ku ansixiyey hormada labaad ee wasiirka xukuumadda Biixi meteli doonana waxaan fari lahaa farriin “Shacabku waxay idiin doorteen in aad sharci hindistaan mid kalena meel marisaa, maanta waxa jdinka muuqata mooggani badan iyo mekeeki badan waayo; sharci aad idinku ansixiseen ayaa si qaawan loo farro-xumeeyey markaasa meel kale loo jiheeyey. Fadlan waxaydun falleysaan ka fiirsada oo foojinaan badan u yeesha farro-gelinta lagu hayo shuruucda dalka”.

 

Waxaan soo jeedin lahaa warbaahinta madax-banaan ee Somaliland maanta ma taagna in la dhaho masuuliyiinta dawladdu idinma baahna oo warbaahinta dawladda ayaa ku filan. Warbaahinta madaxa-banaan ee Somaliland waxay 80% dunnida u gudbisaa xaqiiqada rasmiga ah ee dalka ka jirta.

Wasiirkana waxaan leeyahay talaabadaasi waa tubtii uu kacaanku qaadee ka joog intaan lays qoonsan hadhow.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here