Xoghayaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga UCId Maxamuud Cali Muuse (Jiir Cali-madoobe) Oo Ku Dhawaaqay taariikhda Uu Qabsoomayo Shirkaasi
Hargeysa(Hubaal):-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa shaaciyey wakhtiga la qabanayo shirka golaha dhexe ee lagu soo dooranayo murashaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbigaasi. Masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Ucid oo shalay shir jaraa,id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in shirka golaha dhexe ee xisbiga si rasmiya loogu soo dooran doono murashaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga.Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga Ucid Maxamuud Cali Muuse (Jiir) oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa sheegay in maalinta ay taariikhdu tahay 23/09/2017 oo ku beegan maalin sabti ah la qaban doono shirka golaha dhexe ee xisbiga kaas oo lagu dooran doono murashaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Ucid. Gudoomiyaha ololaha xisbiga Ucid Maxamed Xirsi Ducaale oo isaguna ka halay shirkan jaraa,id ayaa sheegay in masuuliyiinta xisbigu ay aad ugu mashquulsanayaan danaha guud ee qaranka somaliland haatana la gaadhay wakhtigii la qaban lahaa shirka golaha dhexe ee lagu dooranayo murashaxa madaxweyne ku xigeenka. Xoghayaha guud ee xisbiga Ucid Ismaaciil Cabdi Daahir oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa sheegay in hada la gaadhay wakhtigii uu xisbigu shaacin lahaa murashaxa madaxweyne ku xigeen ee uu yeelanayo, waxaanu xubnaha golaha dhexe ee xisbiga ku war geliyey inay ka soo qayb galaan shirka lagu dooranayo murashaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Ucid.