Jabuuti (Hubaal) – Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye) oo ka mid ah Wafti ka socda Somaliland ku sugan waddanka Jabuuti, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha Jabuuti Md. Xasan Maxamed Kaamil oo uu weheliyo Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland. Masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo dhankooda kulankan ay ku weheliyeen Wasiiradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sarre Md. Cabdilaahi Faarax Habane, Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Tiknoolajiyada Md. Cali Xaamud Jibriil iyo Safiirka Somaliland ee dalka Jabuuti Mr. Cabdifataax Siciid Axmed, waxaana ujeedada kulankani uu daarna horumarinta iyo sii xoojinta cilaaqaadka dhanka ciyaaraha ee labada dal. Ugu horeyn, waxaa halkaasi ka hadlay Masuuliyiinta Somaliland ku soo dhaweeyay xafiiskiisa Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha Jabuuti Md. Xasan Maxamed Kaamil, waxaana uu hoosta ka xariiqay inuu ku faraxsan yahay in la xoojiyo xidhiidhka iyo cilaaqaadka horumarineed ee dhanka ciyaaraha iyo xidhiidhka wada shaqeynayd ee u dhaxeeya labada Wasaaradood ee ciyaaraha Jabuuti iyo Somaliland, sidoo kalena waxa uu sheegay in ka Wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan wixii horumar ah ee dhanka ciyaaraha ee kaga xidhan dhanka Somaliland. Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, waxaana uu ugu horeyn uga mahad-celiyay Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha Jabuuti iyo Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland soo dhaweynta ay u fidiyeen. Wasiir Waaberi ayaa soo dhaweeyay hadalka Wasiirka Ciyaaraha Jabuuti iyo sida ay ka Wasaarad ahaan uga go’an tahay in la xoojiyo cilaaqaadka dhanka ciyaaraha ee labada dal, waxa uu isna dhankiisa sheegay inay ku dedaali doonaan adkeynta iyo iskaashiga dhanka horumarinta ciyaaraha ee labada dal. Ugu dambeyntii, waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), waxaana uu ka war-bixiyey xidhiidhka dhanka ciyaaraha ee u dhaxeeya labada dal iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaraddaha Ciyaaraha Somaliland iyo Jabuuti. Agaasime Dhabeeye ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha Jabuuti Md. Xasan Maxamed Kaamil oo hore u ahaa Xoghayaha Guud ee xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti uu yahay masuul si dhab ah ay uga go’an tahay in cilaaqaadka dhanka ciyaaraha Somaliland ay noqdaan kuwo horumara. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa intaas ku daray in Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha Jabuuti Md. Xasan Maxamed Kaamil uu safar ku iman doono caasimadda Hargeysa dhawaan, sidoo kalena uu balan-qaaday wixii awoodooda ah ee qalabka ciyaaraha iyo in tababaro heer caalami ah ay siin doonaan xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha Somaliland. Gaba-gabaddii Wasiirka Dhallinta iyo Ciyaaraha Jabuuti Md. Xasan Maxamed Kaamil ayaa hadyad sharafeed guddoonsiiyey Waftigii ka socday Somaliland, gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Mas’uuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo la kulmay Wasiirka Dhallinta iyo...