“Taladii Xisbigu Waxay Gacanta U Gashay Dad Aan Siyaasadda U Ehel Ahayn, Xisbigana Ku Jooga Haybnimo” Xoghayihii Duulista Hawada Xisbiga WADDANI, Nuuradiin Diini
Hargeysa (Hubaal) Xoghayihii Duulista Hawada Xisbiga WADDANI, Nuuradiin Diini oo sidoo kale kamid ahaa Golaha dhexe ee xisbigaas ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii iyo xubinimadii xisbigas, isagoo eeddeyn u jeediyey hogaanka sare ee xisbiga. “Shacabka reer Somaliland u sheegayaa inaan iska casilay xilkii aan ka hayay xisbiga Waddani iyo xubinimadiiba. Muddo saddex sano ayaa ka tirsanaa xisbiga Waddani, xilkana aan ka hayay.” Ayuu yidhi Nuuradiin Diini oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada hargeysa.
Mr. Diini isagoo ka hadlaya sababta uu isku casilay, waxa uuu yidhi; “Xisbiga Waddani waxa uu lumiyey doorkiisii mucaaridnimo, waxaanu kasoo bixi kariwaayay kaalintii bulshadu ugu dooratay inuu noqodo xisbi mucaarid ah, xisbiguna kaalintaasi wuu gabay.”
Waxa uu ku eedeeyay guddoomiyaha xisbiga, Cabdiraxmaan-cirro inuu qabiilkiisa kusoo koobay xisbiga “taladii xisbigu waxay gacanta u gashay dad aan siyaasadda u ehel ahayn, xisbigana ku jooga haybnimo, guddoomiyahana taa ku xigsanaya oo hadba siday iyagu doonayaan u maamulaya,” ayuu yidhi
Waa masuulkii labaad ee muhiima ee iska casilay xisbigaasi muddo laba bilood gudahooda, waxaana hore isaga casilay xoghayihii arrimaha dibada ee xisbigaas Faadumo Siciid.