W/Q: Maxamed Baashe Xaaji Xasan
Waxa la gaadhay wakhtigii madaxweyne Axmed Siilaanyo dadka u caddayn lahaa mawqifkiisa ku taxmaya aayihiisa siyaasadeed ee qofnimo iyo masiirka hoggamineed ee dawladnimada Somaliland isaga dabadii.
Hoggaamiyaha dhabta ah ee ummadeed dhitada laga dhaxlaa ma aha baa la tilmaamaa Dirham, Dinar iyo Dollar toonna, wax se waxyaalaha looga aayo ka mid ah oo wax kasta ka qiimo badan inuu u sii diyaariyo hoggaan wanaagsan oo karti iyo aqoon u leh hawsha uu qabanayo iyo dadka iyo dalka uu u qabanayo oo daacad u ah qaddiyadda iyo qabitaannada ummaddaasi ku dhaadato, kuna indho kuulato.
Axmed Siilaanyo waa ruugcaddaa wakhti badan siyaasadda doorar badan ka soo cayaaray. Intii uu hadda madaxweynaha ka ahaa Jamhuuriyadda Somaliland maamulkiisa wax badan baa isaga dabadii lagu xusuusan doonaa; samaan iyo xumaan ba, horumar iyo dib u dhac ba.
Waxa uu qabtay waxa ugu muhiimsan in uu lacagtii Giinbaarta ahayd ka beddelay gobollada bariga Somaliland, inuu ku dhiirraday inuu dhaqan geliyo bixinta derajada ciidamada qaranka, kordhinta mushahaarooyinka, mashaariicda horumarinta waddooyinka, biyaha, garoomada diyaaradaha iyo dhismayaasha wasaaradaha qaranka.
Waxyaalaha uu ka gaabiyey waxa ka mid ah dhismaha dawlad adag oo la dagaallanta, xakamaynsa musuqmaasuqa, qaraabokiilka iyo eexda caddaalad darro ee xafiisyada dawladda ka soo faafaysa. Waxa kale oo maamulkiisu ku guul darraystay xal u helidda qabiilka iyo qabyaaladda hadhaysay ee murgiyey hawadintii hawlaha qaranka iyo jiritaankii qarannimo.
Si kasta ba ha ahaato eh, waxa maanta Axmed Siilaanyo horyaalla oo looga fadhiyaa go’aan qaadasho muhiim ah oo hadhada dhaxalkiisa qofnimo ee berrito bili doonta haddii uu ku dhaqaaqo xilligan ay habboon tahay, haddii uu gefo na wax u dhimi doonta dhitadiisa: Waa in uu hadda caddeeyaa mawqifkiisa ku aaddan in aanu sharraxnayn doorashada 2017, isla markaana muujiyaa sida uu diyaarka ugu yahay ee u soo dhowaynayo in xisbigiisa Kulmiye lagu dhex tartamo si xor ah oo waafaqsan xeerkiisa.
Cidda uu dhabarka ka taabanayaa waa arrin doco badan iyo dano badan laga eegayo, isagay se u gaar tahay, hase yeeshee waxa xaq loogu leeyahay in lagu la taliyo in uu akhriyo dareenka dadkiisa, gaar ahaan ka xisbiga Kulmiye, taas raaciddeeda na dani ugu jirto isaga dhaxalkiisa iyo aayatiinka ummadda uu hoggaaminayo ee loo baahan yahay in ay ku dhacdo gacanta ugu dhow ee dhaxalkaas iyo aayaihiisa halka maanta la joogo hore uga sii wadi karta.
Waxa aannu leennahay “Madaxweyne badheedh oo hadal oo derbiga aamusnaanta jebi!”
Doc-ka-yeedhayaasha xukuumaddaadu, wallaahi, dantaada iyo ta ummadda ba way ka fog yihiin. Odaygii ummadda ayaad tahay. Odaygii xisbiga Kulmiye ayaad tahay. Sidan kaa muuqataa odaytinnimadaada ayay wax u dhimaysaa oo dhaawacaysaa. Meeye la taliyayaashaadii badnaa, mise mushkiladdu ba waa iyaga! Hadal madaxcweyne oo ummaddaada iyo adiga yaan wax loo kala qaadin ee la hadal oo wax u sheeg. Ha daawan ciyaarta hortaada ka socota ee ka hadal adigay xoog kuu khusaysaaye oo badheedhahaaga ummadda daaha uga qaad. Taasi wax badan bay ka taraysaa muranka dhexyaalla Xisbigaaga Kulmiye.
Shalayto markii aad Hargeysa ka degtey baa lagaa filayey in aad dadka arrinkaas uga warranto oo aad tidhaahdo “xaneey halkaas ku hadh”, Alle se kuma waafajin, hase yeeshee weli wakhti baad haysataa dharaarahan soo aaddan. Maalmaha ayaa la tirinayaa. Madaxweyne hadal oo wax noo sheeg, oo weli ba wax san noo sheeg: In aanad sharraxnayn, soona dhowaynayso tartanka Kulmiye iyo taladaada odaytinnimo. Waa intaas waxa lagaa durraamanayaa ee lagaa quuddarraynayaa. Waa wax fudud oo aad yeeli karto. Wasiir hebel iyo wasiir hebel kale oo mar ba agtaada hoos uga gunuusaa adna ku dhiqi mayso, qarankana dhiqi mayso oo waa foolxumo damiirka iyo dareenka gilgilaysa, ee madaxweyne hadal oo wax san ummadda u sheeg.
Waa talo nasteexo tani oo adiga kula jaal ah.