“Idinku Inta Aad Halkan I Ag Joogtaan Miyaad Ka Daba Tagtaan Gurmadka Waayo…”
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Oo Isku Lingaxay Gurmadka Loo Fidinayo Dadka Uu Xannuunka Shuban-biyoodku soo ritay iyo u diyaar garowga Hawlaha Diiwaangelinta iyo Qabsoomida Doorashada Madaxtooyada
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Md. Saleebaan MAxamuud Aadan ayaa ka digay saamaynta taban ee shuban biyoodku ku yeelan karo u diyaar garawga doorashada codbixinta oo uu sheegay in haddii aan wada jir looga hor tegin fiditaankiisa aanay bulshadu qaadi karayn doorasho. Guddoomiye Saleebaan waxaa uu soo jeediyey in si wada jir ah looga hortago oo loo gurmado dadka xanuunkani soo ritay waxaanu ilaahay ka baryay in uu ummada ka kor qaado cudurkan. Ugu “Mawqifka aanu ka leennahay xanuunku waxa weeye illaahay ha innaga kor qaado, annaguma qaadi karnee, dawladduna sida aad idinkuba [warbaahinta] tidhaahdeen iyada iyo dadkiiba gurmay, ee idinkuna dee miyaad ka daba tagtaan inta aad halkan aniga I ag joogtaan”. Sidaas ayuuyidhi Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan Oo warbaahintu wax ka weydiisay shalay xaalladda dalku galay iyo shuban biyoodka ka dilaacay qaar kamid ah magaallooyinka dalka. Waxana uu intaas ku daray mar weriyeyaashu ay wax ka weydiiyeen farriinta uu shacbiga u dirayo “bulshadu inta ay qabatay baan yarayn oo intaas way ordaysaa oo gurmanaysaa ee waxaan leeyahay orodka idinkuna ha gaabinina”. Dhinaca kale mar la weydiiyey saamaynta uu shuban biyoodku ku yeelan karo hawlaha kaadh qaybinta ee loogu diyaar garoobayo codbixinta kaasi oo qaybinta kaadhadhkii diiwaangelinta la filayo in ay ka bilaabanto gobolka Hargeysa bacda ramadaanta, waxaana uu yidhi mar uu suaashaas ka jawaabayay “horta doorashadii ma dhawa ee maxaad iigula soo ordaysaa, waxba innaga hadhimaayaanba haddii aanu [xanuunku] kicine, waxaan leeyahay inta ka horreysa ayaanu doonaynaa oo aanu illaahay ka baryaynaa in uu innaga kor qaado. Laakiin iyada oo uu weli cudurkaasi jiro doorasho geli mayno insha allah ee illaahay degdeg ha innooga qaado”. Ugu dembeyn mar la weydiiyey sida ay haatan u habboon tahay in dhammaan qaybaha bulshadu ay talo qaran oo ku saabsan ka hortaga iyo gurmadka xanuunkan la isuguyimaado, waxaa uu yidhi “Waajib weeye in aynu wada gurmanno, haddaba la gurmay markaa waxaanleeyahay mucaarid iyo muxaafid iyo dawladba waa inaynu hadda wadadhaqaaqnaa”. Ayuuguddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan Yidhi.