Maxa Ka Jira In Labada Madaxweyne Ee Somalia Iyo Somaliland Ay Madaxweyne Geelle Ka Dalbadeen In Wada Hadalada Dib Loo Soo Celiyo?

0
30

Hargeysa(Hubaal)-Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay in uu Madaxwaynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ka dalbado in uu dhex-dhexaadiyo ismari-waaga wada hadaladii burburay ee Somaliland iyo Somaliya.

wadahadalkiiMadaxwayne Siilaanyo ayaa la sheegayaa in uu codsigiisa u gudbiyay Madaxwayne Geele isla markaana uu sheegay in Somaliya ka leexatay hanaankii wadahadalka labada dhinac u socday,Mudane Siilaanyo ayaa la sheegayaa in Geele uu waydiistay in uu dawladda Somaliya ee uu hogaaminayo Xasan Sheekh ku qanciyo in raga kasoo jeeda Somaliland uu ka reebo wadahadalka,isla markaana beelaha Waqooyi oo dhinac ah iyo Koonfurta oo dhinac ah loo wadahadlo mar haddii labo dal oo isku biiray ahaayeen ayuu ku dooday Madaxwayne Siilaanyo.

Warkan ayaa kusoo beegmaysa xili Raysal-wasaaraha Somaliya oo hogaaminaya wafti wasiirka Arimaha Dibada Dr.Hadliye oo kasoo jeeda Awdal Iyo wasiirka duulista Iyo Hawada Cali Jaamac Jangali oo kasoo jeeda gobolka Sool ku sugan yihiin dalka Jabuuti.

Lama sheegin in Madaxwayne Geele codsiga Madaxwayne Siilaanyo kala hadli doono Raysal-wasaaraha Somaliya iyo inkale,lama oga qaabka loo soo afjari doono ismariwaaga labada dhinac ee Somaliya Iyo Somaliland oo dhinac walbaba rajaynayo guul ay dadkiisu ku qancaan.

Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya ayaa heshiis hore ugu gaadhay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle soo dhex gali karo marka loo baahdo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here