Maxaa Aad Ka Ogtahay Adeegyada Ay Dawladda Hoose Ee Hargeysi U Qaabilsan Tahay Bulshada Iyo Falanqaynta Qorsheyaasheeda Waxqabad?

0
31

Akhri: Qeybtii labaad ee warbixin Uu Diyaariyey Agaasimaha Maamulka Iyo Maalliyada Ee Dawladda Hoose Oo Ka Hadlaysa Adeegyada Ay U Qabtaan Bulshada

Sida aynu la socono waxaynu horey u soo qaadanay qodobkii kowaad oo aynu ku soo baranay

1.ADEEGA QASHIN URUURINTA (SOLID WESTE ) Maantanay waxaynu qaada dhigaynaa qodobka labaad oo ah. Adeega Nabadgalyadda Caasimadda Iyo Adeega Dabdamiska oo ah laba adeeg oo runtii kala maaran .roodhi5

  1. (A ) DEEGA NABAD GALYADDA

Nabadgalyada:

Nabadgalyadu waa gogosha aadamaha, waana tiirka maanta Soomaliland ku faanyo , Waana shay adamaha oo dhan u baahan yahay . Intii uu maamulka Madaxweyne Siiranyo taladda Dalka hayey  waxaa la gaadhay guulo badan oo xaga nabada . Hadii aan dib ugu soo noqdo caasimadda

Sida aynu la wada socono Dawladda hoose hargaysi ,Waa Golaha Kaliya ee ka shaqeeya Caasimadda Dalkan Curdinka ah ,taasi oo maalinba maalinta ka dabaysa Sii balaadhanaysa , Umadda Ku nool na lagu qiyaaso Hal milyan oo qof waana Magaalooyinka ay Soomali Degto kuwa ugu badan waqti xaadirkan ,waxaa ka socdo Horumar balaadhan oo ay hormood ka yihiin Golaha Aynu dooranay ee Golaha Geeganka ,Dawladda Dhexe Iyo Bulshadda oo kaalin mugle ka qaatay horumaradda balaadhan ee ka socda Caasimaadda . Hadaba Iyada oo ay Hawsha Baaxadda leh ka socoto Caasimadda ,Ayaa hadana waxaa dhinac socda horumaradda ay ka wadaan Goloha Deegaanka Caasimadda oo ay hor ka cayaan Maayerka Caasimadda oo ah Gudoomiyaha Golaha Deeganka ahna Maayerka Maayeradda Caasimadda Mudane Cabdirahmaan Soltelco ,Maayer ku Xigeenka Cabdi Casiis Cago wayne Iyo Xoghayaha Fulinta Axmed Darajo Waxaanay Dawladda hoose oo uu horkacaayo Maayerku isaga oo fulinaaya Xeerka 23 ,waxaa uu Caasamidda u sameeyey golo ka shaqeeya Xaga Nabadgalyadda oo isugu jira Golaha aynu soo dooranay iyo Gudiyadda xaafaddaha caasimadda si ay ugala shaqeeyaan Hayadaha amniga khataraha ka imanka waxii wiiqaya Nabadgalyadda caasimadda , haday noqoto Kantarooladda Caasimadda ,Hudheeladda caasimadda , Suuqyadda waawayn ee caasimadda iyo dhamaan xafadaha caasimadda ,taasoo kulan todobaadleh laga arin sado waxii ku soo kordhay caasimadda ,iyadoo la dhan karo waxay ku guulaysteen daganaanshaha caasimadda ,waxaana iyana amaan gaara leh Gudoomiyeyaasha Caasimadda oo hadh iyo habeen u taagan ka shaqaynta Nabadgalyadda iyagoo kaa kaashanaya Hayadaha amniga.

( B ) Dambamiska .

Maayer ka Caasimadu isaga oo tixgalinaaya Baahidda bulshadda ,isagoo daraaseeyey dhibka had iyo jeer bulshadda u gaysto dabku oo runtii la odhan karo waa aafo qaran aya mayerka Caasimadu dhibadda u taagay Ciidan xoogan oo runtii tayadeeda leh ,Mudana laga shaqeynaayey xaga tababarka , Qalabkooda iyo Gaadiidkooba kaasoo uu mayerku u hagar baxay si ay uga qayb qaataan xaga amniga. Waxaanad arkayaa iyagoo hadh iyo habeen u heelan u gar gaaridda bulshadooda , Waxaana xusid mudan in noqdeen udub dhexaadka Ciidamadda kala Duwan ee u taagan sidii ay umadooda ula shaqayn lahaayeen . Hadaba iyadoo oo ay jiraan guulahaas oo dhami , ayaa hadan waxaa u baahan in lagu baraarugsanado dhibabka badan ee ay geystaan Shirkadaha laydh ee si baahsan caasimadda u galiyeen laydhka , oo runtii bilicdaro ku ah caasimadda iyo xaga khataraha kaga iman karo bulshada , taasoo sababa dhimasho iyo Maal ku baaba Dabka ka dhasha laydh ee ay ka daala dhacayan Ciidanka Damdamiska ,Iyadoo aynaan dafiri karayn Adeegyadda ay u qabtaan shiradaha laydhku Bulshada ,lana odhan karo waxay muujiyeen dadaal , hadana waa wax aan idha laga qarsan karin dhibka barbar socda ee u keeno dabku , Ayaa mayerka Caasimaddu sameeyey qorsho lagu badbaadinaayo muwaadiniinta iyo maalkooda ,isaga oo kaashanaya Dawladda  dhexe in dhamaan  shirkadu dhulka hoostiisa mariyaan xadhkaha sida dabka , waxii laga maarmi waayana ay u sameeyaan biro ka samaysan shub iyo xadhko aan gudbinayn dabka si umaddu u badbaado ,qorshahaasi waa mid hirgalay dhawaana soo af jari doona insha allah.

Qalinka Maxamed Xuseen Jaamac (Roodhi)

Agaasimaha Maamulka Iyo Maalliyada Ee DHH

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here