Maxaa Dan ah (Abdiraxman tuur), Maxaa Xal ah (Ina Cigaal), Maxaa Xaq ah (Riyaale), Maxaa Xeelad ah (Siilaanyo), Maxaa Xul ah Mdaxweynaha Mustaqbalka,(Abdiraxman Cirro).

0
49

Maxaa Dan ah.(abdiraxman tuur)Maxaa Xal ah (Ina Cigaal).Maxaa Xaq ah(Riyaale)Maxaa Xeelad ah(Siilaanyo).Maxaa Xul ah Mdaxweynaha mustaqbalka(Abdiraxman Cirro).

badmaax

Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way  kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan  iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegeyso

Dhaqane:Waar heedhe Maxaa ka wadaan maxaa xeelad ah?

Dhaashane:Dee sowtii hore loo yidhi:Aldunyaa filxeela wal aakhira filxisaab.

Dhaqane:Macallinkii carabiga kuu dhigay magacii?

Dhaashane:Tooxow.

Dhaqane:Alaylehe nin tooxow carabida u dhigay waad u egtahay.Yeelkeedee waxad iiga warantaa Caabudwaaq mooyee meel kaloo Somaliland aqoonsatay ma la hayaa Soomaalia?

 

Dhaashane:Haa.Galmudugna ku dar.

Dhaqane:Waar horta markay dhirtu idinku soo yaacdo maxaa kiiska isaga waashaaan ee kolba tuula yarbaa ina aqoonsatay dadka ugu wareerisaan?Maa ama sida Gudoomiyahayaga abdiraxmaan cirro wadan dhan baarlamaankii dhex fadhiisataan oo aqoonsiga Somaliland ka dhaadhicisaan ama iska daysaan luuqyadan aa raacaysaan?

 

Dhaashane:Bristol ka waran ?

Dhaqane:Bristol maxaan kaga waramaa sowdinkii sidii habla yar yar oo dhooray ah hinaasay ee meeshiiba ka soo xaadiri waayey markaa aragteen inaanu kaga hilaacinay.Waar wadanka siilaanyo ma lahee wax iskula hadha oo ictiraafka ha ka hor imanina adeer.Mise anagana Universaltv iyo Haatuf baa nagu darteen?

 

Dhaashane:Waar adeerow khayr hele 18 mayda ha naga jiidhin.

 

Dhaqane:Raali ahow sug heestiinii kuu qaadee:

 

Dalkeena nimcaa fadhida

 

Dalkeena nimcaa fadhida

 

Saliid dhoocaarta iyo

Dhagaxa macdantaa ku badan

 

Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden

 

Sweden

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here