W/Q: Xuseen Xasan Xuseen
Daron Acemoglu iyo James A. Robinson, waxa ay ku takhasuseen cilmiga dhaqaalaha iyo Siyaasadda, Daron, asalkiisu waa Armeeni ku dhashay Istanbul, Turkey, bal se waa dhaqaalayahan Maraykan ah, halka uu James uu u dhashay Ingiriiska, waxa ay leeyihiin buug badan, waxa na ka mid ah laba buug oo aad u qiimo badan oo ay wada qoreen (Economic Origins of Dictatorship and Democracy) iyo (Why Nations Fail).
Buugga dambe ee ka hadlaya Sababaha ay qaramadu u fashilmaan/u guuldaraystaan, waxa uu ka mid yahay buugta loogu kalsooni badan yahay uguna qiimaha badan, Waxa ay kaga hadlayaan oo si fiican u falkinayaan sababaha dalalka dunidu qaar u noqdeen qani ama horumar u gaadheen iyo waxa dhaliyey in kuwo kale na faqiir u noqdaan.
Waxa ay ku ibbo furayaan dhiganahan, kacdoonkii dabayaaqadii 2010 ka curtay dunida carabta ee loo yaqiin Guga Carabta ama (Jasmine Revolution), waxa sababay Mohamed Bouazizi oo 17 December 2010 dab isku qabad siiyey Tuunis, cadho badan oo ku gaamurtay ayuu naftiisa u haligay, taasi waxa ay sababtay January 14, 2011 in madaxweynihii Tuunuusiya Sayn Al Aabidiin Bin Cali uu xukunka ka cararo isaga oo muddo 24 sanno ah dalka gacanta ku haystay.
Kacdoonkaa ka soo bilaabmay Tuunuusiya, waxa uu markii dambe uu ku fiday bariga dhexe, isaga oo si weyn u gilgilay dalka Masar oo uu ka tallinayey Maxamed Xusni Mubaarik, oo muddo ku siman 30 sanno ku amar taagleynayey.
Boqolkiiba laba iyo toban (12%) ayuu dhaqaale nolalleedkiisu ka yahay qofka Masriga ah marka loo eego qofka Maraykanka ah, boqolkiiba labaatanna (20%) Masaaridu waxa ay ku nooshahay faqiirnimo daran, waxa ay muujinayaan labadan aqoonyahan sida xoogga leh ee Maraykan iyo Masar u kala tagsan yihiin nolal ahaan, sidaa awgeed waxa ay keenayaan wayddiimaad carrinaya maanka, kuwaas oo ah, Maxay Masar uga faqiirsanaatay Maraykanka? Waa maxay caqabadaha Masar ka ilaalinaya horumarka? Faqiirnimada Masar haysata mayna ahayn mid la beddali karo?.
Wayddiimaha waxa ka falceliyey malaayiin kii qof ee iskugu soo baxay Taxriir ee ku muddaharaadayey kaligii talliyihii Masar, Noha Hamed, waa 24 jir, waxa uu leeyahay “Waxa nala degay Musuqmaasuq, Dulmi iyo waxbarasho xumo. Waxa aannu ku dhex noolnahay nidaam musuqmaasuq, kaas oo loo baahan yahay in la beddalo.” Mosaab Al Shaami waa 20 jir, waxa uu leeyahay “Waxa aan rajaynayaa sannadkan aakhirkiisa in aannu heli doono dowlad la doortay, oo hirgalisa xorriyad, meeshana ka saarta hanti lunsashada dalka saamaysay.”
Waxa aynnu arkaynaa in labadaa dhallinyar ahi u nisbaynayaan horumar la’aanta dalkooga, lunsi hantiyeed, xorriyad la’aan iyo dulmi, taas oo muujinaysa in caqabado adag ku yihiin horumarka.
13 January 2011, Mohamed Al Baraadici, oo ahaa madaxii qaramada midoobay u qaabilsanaa Nugliyeerka, ayaa Twitter kiisa ku qoray hadal kooban bal se gun ballaadhan, kaas oo ah Cadaadis + Caddaalad la’aan bulsho + la’aan is beddalo nabadeed = bom madaxa laga jaray.
Cadaadisku (Repression) waa furaha ummaduhu ku burburaan, wax yaabaha Masaarida dib u hayey waxa ay yihiin, nidaam aan shaqo lahayn, bal se musuq leh iyo bulsho aan isticmaali Karin tamartooda, higsigooda , awooddooda iyo waxbarashada ay u baahan yihiin in ay helaan.
Dhaqaaluhu waxa uu noqday mid ku urursan kacmaha xukuumadda, mid u adeegaya xukunka, bal se ka qatan yihiin bulshada oo ah qaranka. Daron iyo James waxa ay leeyihiin saddex aragtiyood ayey dadka qaar ku doodaan in dib u dhaca Masar la jaalka noqday ay keensanayso
- Dad baa ku dooda in Masar faqiirnimadu ama dib u dhacu ay sabab u tahay deegaanka ay ku taal oo ah mid saxara ah, mid roobku ku yar yahay iyo mid ciidda iyo cimmiladu u saamaxayn in waxsoosaar fiican ay yeeshaan, arrimahaa oo ka hortaagan horumar dhaqaale iyo Barwaaqo
- Kala duwanaanshaha dhaqanka, taas oo hortaagan in Masar ku tallaabsato horumar dhaqaale iyo barwaaqo, waxa na ay Masaaridu ku doodaan in ayna jirin aragti qoomiyadeed oo isku mid ah ama sifo dhaqan oo kuwa kale u oggolaanaysa in ay barwaaqoobaan.
- Aragtida saddexaad, waa mid xukumaysa fallanqeeyayaasha siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxa ay ku sallaysantahay, taliyayaasha Masaaridu ma yaqaanaan waxa loo baahan yahay si dalkooga u gaadhsiiyaan, waxa ayna raacayeen siyaasad iyo qorshe aan sax ahayn, haddii kaliya ay qaadan lahaayeen tallada saxda ah, kana qaadan lahaayeen talliyaha saxda ah, aragtidu way socon lahayd, horumarna waa la gaadhi lahaa.
Laakin se, Daron iyo James waxa ay ku dooddayaan aragtidaasi in ayna sax ahayn, waxaana xaqiiq ah bay leeyihiin, in Masaaridu faqiir tahay, sabab na u tahay kooxaha maamula oo u habaysan dano shakhsiyadeed, iyada oo bulshadu na si baaxad weyn dhimnaansho ugu jiraan, awoodda siyaasadeed na waxa ay ku hawlan tahay loona isticmaalay in ay abuurto qaninimo awoodda ku kooban, tusaale waxa ay u soo qaateen in Mubaarik uu urursaday xaddi lacageed 70 billion ah, taas oo ay ka qatan yihiin dadka Masaaridu.
Labadan aqoonyahan waxa ay qabaan in Ingiriiska iyo Maraykanku sidan ahaayeen, laakiin se ay qani noqdeen markii ay iska tureen kuwii xukunka iyo awoodda gacmahooga ku ururriyey, waxa ayna ka dib noqdeen ama ay sameeyeen aragti siyaasadeed oo xor ah, taas oo daadagsan halka u sarraysa oo madaxda ah iyo halka u hoosaysa oo shicibka ah, taas oo dowladdu noqotay mid lala xisaabtamo oo u jawaabta muwaadiniinta iyo iyada oo wali ba dadku si siman uga wada faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee abuurmay.
Waxa halkaa ka baxay in dhaqaaluhu gacmo kooban oo awood leh uu ku ururro, taas oo dhalinaysa in ummaddu faqiirnimo hoos ugu sii dhaadhacdo, waa na sabaha kala durkiyey dunida hore-umartay iyo tan iska nool uun.
Soomalilaan wallow ayna ku jirin dalalka la cabbiri karo, hadda na waxa muuqanaysa dhibaatooyinka la degay Masar oo kale in aynnu bartana u jiifno, in ayna jirin u simnaansho dhaqaale ama fursad dhaqaale oo soo baxda, bal se ay jiraan waxa loo yaqaan Naas nuujin iyo weyn wayn badhi ku shub.
Ingiriiska oo lagu tiriyo dalalka qaniga ah, waxa uu kacdoon ka dhacay 1688, taas oo beddashay siyaasaddii hore, ka dib na dhaqaalihii dalka is beddal ku samaysay. Waxa ay u dagaalamayeen xorriyad siyaasadeed, wayna ku guulaysteen, waxa ayna u saamaxday in fursadaha dhaqaale ay helaan, natiijadii na waxa asaas u noqotay aragtiyooyin siyaasadeed iyo dhabbe dhaqaale taas oo ku dhammaatay kacaankii warshadaha. Halka kacdoonkii Masar ka dhacay uu ku dambeeyey fashil, waxa na loo nisbaynayaa aqoon darro jirtay, bulshada oo is beddal gun iyo baar ah u diyaarsanayn ama sida oo kale ba ay jirtay faro-galin dibadeed.
Is beddalka dhabta ahi waa midka ka dhaca siyaasadda (Political transformation), waa midka kacaankii warshadaha horseeday, kaas oo Iglan, Faransiiska, Maraykanka, Jabaan, Baraasiil iyo dalal kale ba ka dhacay.
In badan hadday ku dooddaan, dib u dhaca iyo horumar la’aanta in ay sabab u tahay bay’ada uu dal ku yaallo, haddii sida oo kale ay ku dooddaan horumar la’aanta in ay keensadaan dhaqanka umadda oo kala duwannaada, haddii dad aaminsan yihiin diimaha oo kala kaddisan in faqiirnimada ay kaalmayso, waxa Daron iyo James ay tusaale inoogu bixinayaan dad isku mid ah, isku diin ah, isku dhaqan ah, isku deegaan ah, isku cimilo ah, isku dhow bal se xuduud ay kala qaybisay, qaybi tahay faqiir, halka kuwa kale na yihiin qani, waxa kaliya ee kala duway na yahay hoggaanka, waxa ay leeyihiin “So close And Yet So Different. Nogales, Arizona and Nogales, Sonora, have the same people, culture and geography. Why is one rich and one poor? …
Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen
asalraac@yahoo.com